Wasiirka Warfaafinta oo Tababar xirfadeed u furay Suxufiyiinta warbaahinta dawladda

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md.Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta tababar u furay Sodon xubnood oo ka mid ah hawl wadeenada wasaaradaasi gaar ahaan Radio Hargeysa, SLNTV, wargeyska DAWAN iyo Wakaalada wararka ee SOLNA. Tababarkan oo ka qabsoomay xarunta wasaarada isla markaana socon doona muddo laba bilood ah ayaa la sheegay in lagu […]

Badhasaabka Gobolka Hawd Oo Dhagax dhigay Saldhig Boolis oo laga hirgelinayo Degmada Sayla-bari

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre oo ay weheliyaan hogaanka dhismaha ee Ciidanka Booliska Daahir Cali Wacays iyo Xoghayaha fulinta ee gobolkaasi ayaa maanta ka qeyb galay xaflad loo sameeyay dhagax dhiga dhismaha saldhiga booliska ee Degmada Sayla bari. Siday Faafisay Wakaalada wararka ee SOLNA ee ay maamusho dawladdu oo aanu warkan ka […]

Shirkii Golaha dhexe ee xisbiga UDUB iyo catowgii Hoggaankii Xisbigaas

“Xisbigu muxuu u dhacay sagaal sanadoodna waxa hayay Cigaal Sideedna waxa hayay Rayaale dadkuna waxay jecel yihiin isbedel” “Waxaan ahay ragga hungurigu ku jiro laakiin balan waxaan idiinku qaadayaa inaan UDUB dildilaac ka soo bixin” Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa shirkiisii golaha dhexe oo ay ka qeyb galeen dad ka badan 700 oo […]

Xaaskii Marxuum Cigaal Oo Ka Warantay Dagaal Iyo Dulmi Ay Ka Tirsatay Rayaale Iyo Xisbiga UDUB

“Naxariistii aan ka waayay UDUB iyo Daahir Rayaale. waxaan ka helay Axmed Siilaanyo Iyo Xaaskiisa” Hargeysa (Somaliland.Org)- Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Xaaskii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay dagaal iyo dulmi ay ka tirsanaysay dawladii Rayaale iyo xisbiga UDUB-ba. Marwo Kaltuun waxay sidaasi ka […]

Wasiirka Daakhiliga oo xilkii ka qaaday Xoghayihii Dawlada Hoose ee Hargeysa mid cusubna magacaabay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), ayaa maanta xilkii ka qaaday Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur isla markaana magacaabay Xoghaye cusub. Wasiirku Arrimaha Guduhu ma uu sheegin wax uu ku sababeeyay xilka qaadista Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Deeq Xirsi Cambuur, waxase uu xilkaasi u magacaabay […]

Madaxweyne Ku Xigeenka oo shacbiga Baaq u jeediyay kana hadlay qaraxyadii ka dhacay Hargeysa

“Waxaan shacbiga Somaliland ku dardaarayaa inay feejignaadaan oo ay la shaqeeyaan ciidammadda, walina way jiraan dadka dhibta jeceli” Hargeysa (Somaliland.Org)-Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay ciidammadda amaanka kala shaqeeyaan sugida xasiloonida dalka. Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sidaasi ka jeediyay […]

Golaha Wakiilada oo Aqlabiyad yar ku ansixiyay xeerka Nabadgelyada Guud Iyo Naqdiga C/Qaadir Jirde

“Waa in la hubiyaa halka ay lacagta ururada siyaasada iyo xisbiyadu ay ka imanayso …..” Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aan aqlabiyad ahayn ku meelmariyay xeerka nabadgelyada guud iyo la dagaalanka anshaxa xumadda. Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha aqalkaasi Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa fadhigaasi ka soo […]

“Qodobka dabarka ku ahaa dhalinyaradu wuxuu I saameeyay 2002-dii waana guul weyn oo la gaadhay”

Dabarkasi ayaa hada meesha ka baxay ka dib markii ay dhawaan golaha wakiiladu meel mariyeen kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay xeerkaasi, kaasi oo markii hore dhigayay in ay xildhibaanada golaha deegaanka cida isu soo sharaxaysa ay da’diisu ahaato shan iyo sodon jir iyo wixii ka wayn, halka xeerka ay dhawan galaha wakiiladu ansixiyeen dhigayo in ay ka qayb geli karaan da’da ah shan iyo labaatan jir.

“Lama odhan karo Ugaasku yaanu dhaqdhaqaaqin oo maxkamadi xabsi guri kumay xukumin”

“Ugaasku wuxuu aaminsan yahay qaranimada Somaliland” “Shirku wuu ka baxsanaa Ugaaska oo waxa laga hadlayay gudiyadii la shaqayn lahaa” Saylac (DAWAN)-Muuse Carab Dugsiiye oo sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha abaabulka ee Beelaha Gadabuursi, ayaa beeniyay inay jabiyeen heshiiskii todobaadkii hore ay waxgaradka Gobolka Awdal ka gaadheen khilaafkii dhinaca dhaqanka ee ka dhashay muranka ka taagan Ugaasnimada […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo sadex Guddi u magacaabay arrimo kala duwan

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay intii aanu dalka ka dhoofin sii magacaabay sadex Guddi oo uu u kala xil saaray Dhamaystirka colaadii Ceel Bardaalle, Tartanka ciyaaraha gobolada iyo horumarinta Bilicda Caasimada. Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeedyo uu uu saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) kuwaasi oo u qornaa […]

Guddida Qandaraasyada Qaranka oo ku dhawaaqay Naadinta Iibka dhismaha xarunta Wasaarada Duulista

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada qaranka Aadan Saleebaan Nugaal, ayaa maanta si cad ugu dhawaaqay in la naadinayo iibka dhismaha xarunta wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka oo ku yaala meel faras-magaale ah, waxaana la sheegay in wasaaradaasi ay xarun ka yagleelan doonto agagaarka madaarka Hargeysa. Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada qaranku waxa uu sheegay in qandaraaska […]

Laba Qof oo ku dhintay Magaalada Burco markii Nin ku weeraray Mindi

Hargeysa (Somaliland.Org)- Laba qof ayaa ku geeriyooday,Sadex kalena waxa ka soo gaadhay dhaawac kadib markii saaka nin ku hubaysan Mindi Af badan uu weerar ku qaaday saldhiga booliska ee Faarax Oomar ee magaalada Burco . Ciidanka Booliska ee saldhigaasi waxa dhacdadaasi kaga dhintay hal askari, waxa kale oo ku dhimatay gabadh iyadoo laba qof oo […]

Taageereyaashii u badnaa oo Boorame Ugu soo baxay Ururka WADANI Oo Xarun gobol ka furtay

“Ururka WADANI iyo reer Boorame waxay wadaagaan qunyar socodka iyo wadaniyadda” Boorame (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis ay ururkaasi ka furtay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, kaasi oo noqonaya kii labaad ee ururkaasi ka furto gobolada dalka. Gudoomiyaha ururka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi […]

Urur –Siyaasadeedyadda Aan u Maro Caqli Iyo Caddaalad

Waxaa in dhoweyd si habsamiya uga soconaya Jamhuuriyadda Somaliland Urur siyaasadeedyo cusub oo muwaadiniinta reer Somaliland ku dhawaaqayaan si ay uga qayb qaataan Siyaasadda iyo loolanka hogaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo qof weliba xaq u leeyahay doorkeedda iyo siddii uu u hanan lahaa buuxinta booskaasi cilmi, caqli, cadaalad iyo qofnimaba markuu buuxiyo shuruudaha ku xidhan ee […]

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ka hadlay Daraasado ay ku naaqisheen Garsooreyaasha Maxkamadaha dalka

“Kuwa wax laga xukumay ee qanci waayay ayaa fursad u hela inay wax u sheegaan madaxda qaranka sida Xildhibaano, Wasiiro ” Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Maxkamada sare Somaliland Md. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa sheegay inay soo gabogabeeyeen hawl baadhis iyo naaqishaad iskugu jirtay oo ay Guddida Cadaaladdu ku samayeen garsooreyaasha maxkamadaha dalka oo ay ku darsayeen […]

Madaxweynaha Somaliland oo Martiqaad ka helay Guddoomiyaha MidawgaAfrika oo Olole Doorasho

photo Somaliland.org) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa safar uu ugu kicitamayo Dalka Itoobiya la sheegay inuu la xidhiidho Martiqaad uu ka helay Guddoomiyaha Midawga Afrika Jean bing. Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu socdaal ku tago Dalka Ingiriiska ayaa inta aanu kayeelan doona Guddoomiyaha Midawga Afrika kaasoo martiqaad Rasmi ah u soo diray isagoo kala hadli doona Arrimo muhiim u ah Siyaasadda Somaliland.

Nuxurkii Khudbad Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay shir lagu soo bandhigay qorshe hawleedka dawlada

“Qorshahani wuxuu ina siinayaa jihada aynu u socono waana mid aad ugu hambalyaynayo Wasiirka Qorshaynta” “Inagoo og mandaqada aynu ku nool nahay waa inaynu waxa ina soo gala intooda badan u leexinaa  nabadgelyada” Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaaanyo) ayaa maanta Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ka furay shir ku saabsan qiimaynta […]