Xubnihii UCID ee Gobolka Sool Oo ku dhawaaqay Inay ka baxeen Xisbiga

Laascaanood (Somaliland.Org) Xubnihii maamulka Gobolka Sool ee Xisbiga UCID, ayaa dhamaantood iska casilay isla markaana ka baxqy xubinimadii xisbigaasi.

 Xubnaha is casilay waxa ka mid ah Ku simaha Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Gobolka Sool Cawil Ismaaciil Faarax, Guddoomiye Ku Xigeenkii xisbiga ee Gobolka Sool Maxamed Saleebaan.

Waxa kale oo iyaguna xilkii iska casilay kana baxay xubinimadii xisbiga UCID Guddoomiyihii Garabka Haweenka gobolka Sool Sahra Ismaaciil Carraalle iyo Guddoomiyihii Garabka dhalinyarada ee xisbiga UCID Cismaan Cabdilaahi Cilmi.

 Xubnahani waxay Iscailaadooda ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Laascaan ood, waxaanay eedo kulul u jeediyeen Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ay ku tilmaameen inuu xisbigii ka dhigtay NGO uu isagu leeyahay. Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in ka baxeen xisbigaasi markii 45 xubnood oo ka mid ah Guddida fulinta ee xisbiga UCID oo ay ku jiraan xubnihii ugu miisaanka weynaa ay iclaamiyeen Isniintii inay ka baxeen xisbigaasi oo ay maalmaha fooda inagu soo haya ay ku dhawaaqi doonaan urur siyaasadeed cusub.

Shirkan jaraa’id waxa goob joog ka ahaa Gudoomiye Ku Xigeenkii sadexaad ee xisbiga UCID Prof. C/Raxmaan Xaaji Saalax oo isagu Isniintii shaaciyay inuu ka baxay xisbiga UCID.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com?