Eedo Xisbiga UCID u Jeediyay Xukuumada oo beenowday iyo shirkii dubur oo furmay
Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa xukuumadda si aan hubsiimo lahayn ugu eedeeyay inay burburinayso shirka beelaha Ciise Muuse ku qabsadeen maanta magaalada Dubur ee degmada Sheekh.
Xisbiga UCID waxay sidaasi ku sheegeen qoraal uu maanta soo saaray Ku Simaha Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga UCID Xuseen Badmaax, waxaanu u qornaa sidan:-
“Sida aynu la wada socono waxaa waayadanba dalka ka socda dhaqdhaqaaq ay xukuumadu horseed ka tahay kaas loo la rabo in lagu burburiyo laguna wiiqo shirka ay beesha Ciise Muuse ku qabsanayso Dubur shirkaas oo ah shir ay beeshu kaga tashanasyo aayaheeda.
Hadaba, hadaanu nahay Xisbiga cadaalada iyo daryeelka waxaanu taageersan nahay shirkaas iyo dhamaan shirarka ay beelahu kaga tashanayaan ayaahooda iyo danahooda reernimo isla markaana aan wax u dhiman Nabad galyada iyo qaranimada Somaliland kalana fogaynay walaaltimimada iyo wada noolaanshaha beelaha Somaliland.
Waxaan la wada soconaa in dalkeena ay had iyo jeer ka dhacaan shirar beeleedyo kuwaas oo aan waxba u dhimin nabad galyda iyo qaranimada Somaliland basle ay aayahooda kaga tashaadaan beelahaasi qabsaday shirarkaas kan hadana waxba kama duwana shirarkaa ay beelaha horeba qabsadeen sidii shirkii ay qabsadeen beel ka mid ah beelaha jamhuuriyada Somalinad kaas oo la odhan jiray shirkii Gar adag ahaana Hooyada shirka beelaysan ee Somaliland.
1 Waxaanu ku boorinaynaa beesha shirkan hada qabsanaysana in ay ilaaliyaan Nabad galyada iyo Qaranimada iyo Midnimada Somaliland.
2 waxaan kale oo aan xukuumada hada jirta ku waaninayaa in ay faraha kala baxdo shirka ay beelahu aayahooda reernimo kaga tashanayaan kana dayso docadocaynta ay had iyo jeer kuwado kuna kala jabinayso beelaha dega dhulka Somaliland.”
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
