Faysal Cali waraabe oo ka hadlay cilaaqaadkii ka dhaxeeyay Gaani Iyo fadeexadda ka haysata Kiiskii UFO

“Kiiska UFO waxaan ka soo galay Gaani ayay isyaqaaneen, waanay joogaan raggii NNS-ta ahaa”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal  Cali Waraabe, ayaa dafiray inuu basaasay dhalinyaradii iyo aqoonyahanadii reer Somaliland ee uu taliskii Siyaad barre xidhay horaantii sideetameeyadii, oo  lagu eedeeyo inuu kaalin weyn  ku lahaa xidhitaankii dhalinyaradaasi.

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo xidhiidhkii uu la lahaa  Taliyihii  ciidamadii qeybta 26-aad ee Soomaaliya Maxamed Xaashi Gaani oo la soo wariyay inay wada shaqayn iyo saaxiibtinimo qoto dheeri ka dhaxaysay.

Guddoomiyaha UCID waxa uu maanta ka  hadlay   jawaabtii Madaxweyne Siilaanyo ka bixiyay hadalo deel qaaf ahaa oo uu Faysal maalmihii la soo dhaafay ku faafiyay qalabka warbaahinta.

Faysal Cali Waraabe oo wajigiisa ay ka muuqatay deganaansho la’aan waxa uu ka hadlay arrinta ururkii UFO waxaanu yidhi “Aniga wuxuu ceeb iiga dhigay Madaxweynuhu UFO ayuu basaasay, UFO kiiskeeda maxkamad ayaa la saaray, intaan Anigu ka soo galayna waxay ahayd Gaani(Taliyihii Ciidankii qehybta 26-aad ee Soomaaliya)  ayay is yaqaaneen, maxkamad ayaa la saaray cidii la xidhiidhay waa la garanayaa. Ragii NNS-ta ahaa Cabdilaahi Cirro (Wasiirkii hore ee daakhiliga), Waran cade (wasiirkii hore ee duulista) way joogaan sharaftaan ku lahaa Somaliland iyo Soomaaliyaba waligay basaas la iguma sheegin.”

“Anagu (mucaaridka) haddii aanu nahay waxaanu  ka hadalay xaalada dalkeenu marayo oo ah shaqada mucaaridka waliba waxaanu  go’aansanay inaanu muddo hal sano ah xukuumadda u dul qaadano oo aanu eegno. Waxaanu  ka hadalay waxay ahayd dhibaatada aanu u aragno inay dhacayso iyo siyaasadaha anaan jeclayn in wadankeena lagu maamulo. Waana waajib  haddii aanu nahay axsaabta mucaaridka,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo caawa u waramayay TV-ga Horn Cable.

Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumada ku eedeeyay dulqaad yaraan, waxaanu yidhi  “Waanu ka filaynay dawlada Axmed Siilaanyo dulqaad yaraanteeda waanu naqaanay in badana waanu ka hadalay todoba bilood ka hor ayaan idhi dawladeenu ma dulqaadanayso. Laakiin waxa nagu cusbaa wakhtiga uu Madaxweynuhu hadlay iyo xaalada markii uu TV-ga ka hadlayay iyo Wakhtigii uu hadlayay 2-dii habeenimo iyo wixii laga bilaabo ayuun bay ahayd waxa kaliya oo uu yeedhay TV-ga qaranka iyo Somaliland.Org way hurdeen dadkii kale oo dhami.”

Weriye Cumar Maxamed  Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com