Weftigii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Raashin u qeybiyay dadka ku jira Xerada qaxoontiga ee IFO

Kenya (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa maanta raashin u qeybiyay dadka Soomaalida ah  ku jira xerada qaxoontiga ee  Ifo ee ka soo qaxay  abaaraha ba’an iyo macaluusha ka jirta dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya.

“Kaalmaadan aanu gaadh siinay ee aanu qeybinay  waxay dhan tahay illaa 180 ton oo Raashin kala duduwan  ah  oo aanu ugu tallo galay xeryaha qaxoontiga ee ay ku jiraan dadka ka soo qaxay Soomaaliya gaar ahaan xerada IFO oo ay ku jiraan qaxoontigii dambe ee soo barakacay oo maalintii naloo sheegay inay yimaadaaan illaa kun qof,”ayuu yidhi Wasiirka diinta iyo Awqaafta maanta u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da.

Waxaanu intaasi ku daray “Qoyskiiba waxaanu siinaynay shan shay oo kala ah Bariis, daqiiq, sonkor, saliid, caano iyo shah,waxaanu raashinkan ka sii iibinay Magaalada Gaarisa oo u dhow xeryadan. Waxa raashinkan aanu qeybinay ay dhan tahay 200 oo kun oo Dollar.”

Sh. Khaliil waxa uu sheegay in kaalmadan ay qeybiyeen ay tahay qeyb ka mid ah lacag 700 oo kun oo Dollar ah oo laga soo ururiyay shacbiga iyo xukuumadda Somaliland.

“Kaalmadan 70% waxa la geeyay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, halka 30% aanu halkan (IFO0 aanu keenay,”ayuu yidhi Wasiirku.

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo la  weydiiyay fikirka uu ka markii hore ka haystay qaxoontinimada iyo xaalada xeryaha qaxoontiga waxa uu yidhi “Kollay Anagu (Somaliland) qaxoontinimo waanu soo maray waana aanu garanaynaa xaalad qaxoonti, laakiin tani way ka daran tahay waxaanu ku aragnay dad illaa imika soconaya oo soo gaadhaya xeryaha qaxoontiga, waxa naloo sheegay in xeradan  ay maalintii soo galaan illaa kun qof oo qaxoonti ah oo ka yimid Soomaaliya. Waana xerada ugu weyn ee qaxoonti ee Afrika iyo aduunkaba.”

 Wasiirka Diinta iyo Aw qaaftu waxa uu sheegay in  haddii Hoggaamiyeyaasha siyaasada ee Soomaaliya ay dedaalaan inay dalkooda dhibaato badan ka badbaadin kari lahaayeen.

 Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

Cumarmfaarax@hotmail.com