Xisbiga Ucid Oo Sheegay Inay Aadan Waqaf Ku Dacwaynayaan Lacag Uu Kala Baxay Qasnadooda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga mucaaridka ee UCID ayaa sheegay  inay Ha’yadaha sharciga u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah  Guddoomiye Ku Xigeenkii hore ee xisbigaasi Aadan Maxamed Mire Waqaf  oo ay ku eedeeyeen inuu sifo sharci darro ah ula baxay lacag xisbigaasi lahaa.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu  shalay  soo saaray Afhayeenka cusub ee Xisbigaasi Maxamed Xasan Khayre (Shabaash) waxaanu u dhignaa sidan:-

“Anigoo ku hadlaya Magaca Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID waxaan halkan ugu soo bandhigayaa Ummadda reer Somaliland, Xukuumadda iyo Shacbigaba, gaar ahaana Hay´adda ay khusayso Hantida laga dhacay Shaqsiyada qaynuuniga ah ee Xisbiga UCID.

Xeerka number 14 qodobkiisa 20aad sida ku cad faqradiisa 1aad inuu yahay xisbigu shakhsiyada qaanuuni ah ayaa ku cad qodobkaas sidaa darteed wuxuu xisbigu xaq u leeyahay in hayada fulinta ah ee sharcigu wixii hanti laga dhaco ee caydaymaheedii la hayo in la waafajiyo sharciga cidii ay ku maqan tahay hantidaasi. sidii aan hore ugu soo bandhignay saxaafada 17/07/2011 waxa laanta baanka dhexe lagala baxay 33,000,000 milyan oo hantidii sharciga ahayd ee xukuumadu ku kaabi jirtay xisbiyada qaranka, taas oo loogu tallo galay muushaharka shaqaalaha,laydhka,biyaha iyo kirada xarunta iwm.

waxa kale oo xawaalada si toosa loogala baxay hanti dhan 7000 oo doolar, oo iyaduna ahayd 17/07/2011 lacagtaas oo ahayd qaadhaankii ay xubnaha xisbigu bixin jireen maalintaa kaliya ee hantidaa lagala baxay marka laysku celceliyo waxay dhan tahay 24000 oo doolar lacagtaas oo uu Aadan Mire Waqaf si toosa ula baxay ka dib markii uu u gogol xaadhayey dariiqada ka baxsan sharciga ee ay isku magacaabeen, sidaa darteed waxaanu cid walba oo danaynaysa wanaaga iyo jiritaanka umada dhawraysana shakhsiyada qaanuuniga ah ee xisbiga ilaalinaysana nabadgalyada si aan layskugu dhicin calanka hoostisa aan ka codsanayaa in hantidaa xisbiga qaran leeyahay laga qaado talaabadii sharciga ahayd ee ku haboon cidii lunsatay hantidaas taasoo aan cadaymaheeda ku soo lifaaqnay halkan saxaafadana aanu hore u siinay cadaymaha laga qaatay sida aan waafaqsanayn sharciga ee bangiga iyo xawaaladaba.

waxa kale oo aan u cadaynaynaa bahda saxaafada iyo ummada reer Somalilandba oo dhanba inay ku gafeen dhamaantood kooxda Aadan Mire Waqaf hogaaminayo xeerka xisbiga  qodobkiisa (16aad- farqada 1aad ilaa farqadisa 8aad ) iyo qodobkiisa(18naad- farqadiisa 1aad ilaa farqadiisa 8aad) qodobka 15aad ee xisbiga . sidaas darteed ay ceeb tahay waxyaalaha ay sheegteen iyo xilaal aan waxba ka jirin oo ay isku magacaabeen. waxaan halkan ku cadaynaynaa in xeerka xisbiga qodobkiisa 18naad sideediisa farqadood inay awood u siinayaan magacaabida xilalka inta aan la gaadhin shirweynaha sidaas darteed anaga oo ixtiraaamayna go´aankii maxkamada waxa xubno magacaabi kara oo kaliya gudoomiyaha lagu soo doortay shirweynihii xisbiga ee 2006. hadaba kooxda caadaysatay dacaayada iyo beenta aan waxba ka jirin umadana ku majarahabaabinaysa ee warbaahinta ka sii daynaysa aanu u sheegaynaa inay umadu baratay balse ay wax laga xishoodo tahay waxyaalaha ay ku kacayaan.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com