Golaha Wakiilada oo ansixiyay Gudida Diiwaan gelinta ururada Siyaasada iyo laba Wasiir

Hargeysa (Somaliland.Org)-Fadhigii Golaha wakiiladda ee Somaliland ee maanta  ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey todobada xubnood ee gudida diiwan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka.

sidoo kale waxa uu goluhu ansixiyey Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha iyo Wasiirul dawlaha arrimaha, waxaa fadhigan shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Md. C.raxmaan Maxamed C.laahi (Cirro) waxaana ka soo Xaadiray 59 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xubnood ee golaha wakiiladu ka kooban yahay.

Waxaa Ugu horayn madashaasi ay goluhu warbixin kaga dhagaysteen gudi hoosaadka nabadgalyada iyo difaaca ee golaha Wakiilada oo tafaasiil ka bixiyay tilmaamaha ay yeelanayaan Todobada Xubnood ee Madaxweynuhu u magacaabay gudida diiwaangelinta ururada siyaasada waxayna golaha ka codsadeen in la ansixiyo.

Xoghayaha guud ee golaha wakiilada C/risaaq Siciid Ayaanle ayaa halkaasi ka akhriyay  Sooyaalka taariikheed,Waayo aragnimada shaqo iyo Warqada cadaynta danbi la’aanta ee Xubnahan.

Intaa kadib waxay mudanayaashu mid mid u ansixiyeen Todobada Xubnood ee diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka oo cod aqlabiyad ah ku baxay dhamaantood.

Todobadan Xubnood ee gudida diiwan gelinta ururada siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ayaa kala ah

1        Cabdalle Ibraahim Maxamed

2.      Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)

3.      Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan

4.      Cumar Xasan Jaamac

5.       Maxamed Cabdi Maalik

6.      Aadan Geedi Qayadi

7.       Ismaaciil Cabdilaahi Cali

Dhinaca kale Waxay xildhibaanada golaha wakiiladu cod gacan taag ah ku ansixiyeen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo intii aan xilkan loo magacaabin ka tirsanaa aqalka Wakiilada waxaa ogolaaday 57 Xildhibaan hal Mudane ayaa ka aamusay cid diidayna ma ay jirin ,gudoomiyuhuna muu codayn.

Sidoo kale Wasiirul dawlaha arrimaha dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan ayaa waxaa ogolaaday ansixintiisa 58 Xildhibaan cid Diiday iyo cid ka aamustay toona ma ay jirin gudoomiyuhuna muu codayn.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com