“Dadka Mahiga isku sawirayaa saamayn kuma yeelanayaan xidhiidhka Somaliland iyo Q.midoobay”

Wasiirka Arrimaha dibada oo beeniyay In Mahiga la kulmay kooxaha ka soo horjeeda Somaliland

Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inaanu Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga aanu la kulmin kooxaha ka soo horjeeda qadiyada Somaliland.

 Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in dadka Mahiga isku ag sawirayaa aanay saamayn ku yeelan doonin xidhiidhkii ka dhaxeeyay  Somaliland iyo Qarammadda midoobay midna.

“Waan maqlay in warbaahinta  Somaliland ay ku soo baxday  warar sheegaya in  Augustina Mahiga uu shirar gaar ah la galay kooxo ka soo horjeeda madax banaanida Somaliland. Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanay arrintaasi ahayn arrin jirta. Augustina Mahiga waxa uu ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Canada  waxaanu la kulmay Jaaliyada Somaliland iyo Soomaaliya waxaanu kala hadlayay arrimaha uu u xil saaran yahay arrimaha Somalia iyo Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Maxamed  Cabdilaahi, oo Saxaafaddu wax ka weydiisay sida uu u arko  baaqyo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan mucaaridka oo ku baaqay in Mahiga la mamnuuco inuu socdaal ku yimaado Somaliland.

“Khudbadii uu shirkaasi ka soo jeediyay Mahiga waxa uu si qoto dheer qadiyada Somaliland waxaanu ka hadlay dimuqraadiyada iyp Nabadgelyada, waxaanu  ka hadlay isbedelkii dalka ka dhacay iyo sidii xukuumadii hore iyo xukuumada cusubi xilka ula kala wareegeen sida amniga ah waxaanu arrintaasi uga hadlay si  qiiro leh oo uu ugu hayo Somaliland ixtiraam. Waxaanu Mahiga sheegay in midowgii Somaliland iyo Somalia aanu u shaqayn sidii  la rabay,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu  intaasi ku daray “Waxaan  halkan idiinku cadaynayaa inaanu Mahiga la shirin kooxaha ka soo horjeeda qadiyada Somaliland. Qof sita garamada iyo shaadhadhka ee  isku sawiraya Mahiga agtiisu ma aha kuwo saamayn ku  yeelanaya xidhiidhka ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay iyo  wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia intaba.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com