Wasiirka Waxbarashada oo Kulan dardaaran ah la Yeelatay Ardaydii Deeqda Waxbarasho ka helay Turkiga
Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta kulan dardaaran ah kula sii yeelatay xafiiskeeda ardaydii ku guulaysatay deeqda waxbarasho ee dawlada Turkigu ugu deeqday.
Waxay Wasiirku kula dardaarantay guud ahaan ardaydaas deeqda waxbarsho ku guulaystay in aqoonta ay soo baranayaan ay dalkooda iyo dadkoodaba uga faa’iideeyaan.
Wasiirku waxay intaasi raacisay in Turkigu uu yahay dawlad Islaam ah isla markaana ay si fudud u fahmi doonaan dhaqanka dalkaas.
“Wadanka aad tagaysaan ee Turkigu waa wadan Islaam ah oo aynu aad iskugu dhow nahay xaga dhaqanka iyo caadooyinka nolasha, markaa waxaan filayaa inaydaan wax dhibaato ah kala kulmi doonin oo aad si fudud u fahmi doontaan dalkaasi,”ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashadu waxay sheegtay in deeqda waxbarasho ee Turkigu aanay ku koobnayn ardaydan la qaadayo balse ay raacsiisan tahay dhisitaanka dugsiyada lagu barto waxbarashada gacanta .
Sidoo kale, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland waxay la kulantay ardayda wax ka barata dugsiga Sare ee Gaandi oo cabasho ka muujiyay tayada waxbarasho ee dugsigaas iyo agabka shaybaadhka oo uu dugsiga sare ee Gaandi ka aradan yahay isla markaana ay meesha ka baxday kormeerkii waxbarashada.
“Waan dareensan nahay cabashada aad iigu tiimaadeen runtii awoodayda ahna Wasiir ahaan waxaan u hawl geli doonaa wax ka qabashada tabashadiina, wasaarad ahaana waxaanu ku dedaalaynaa sidii loo heli lahaa qalabka shaybaadhka ee dugsigu u baahan yahay,”ayay tilmaantay Wasiirku.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
