45 xubnood oo ka mid ah Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe oo ka baxay Xisbiga UCID

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- 45 Xubnood oo  isugu jira Gudida fulinta iyo golaha dhexe ee  Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID  oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Huteelka Safaari ee magaalada Hargeysa  ayaa si rasmi ah  daboolka uga qaaday inay gebi ahaanba iska casileen Xilalkii iyo mas’uuliyadii ay ka hayeen xisbigaas.

Gudoomiye ku xigeenkii Xisbiga UCID  Aadan Maxamed Mire “Waqaf” oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay  in 45-kan xubnood ay Labaatan ka mid ahi yihiin Gudidii fulinta halka 22 ka kalena   ay yihiin hoggaanka  sare iyo Golaha dhexe, waxaanu tilmaamay inay dhammaantood iska casileen  Xilalkii ay ka hayeen xisbigaasi kana baxeen UCID.

 Aadan Maxamed Mire “Waqaf” waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo ay u jeediyeen Garabka Guddoomiyaha UCID ee ay is hayeen oo sheegay inuu sifo sharci darro ah baanka dhexe iyo xawaalada Mustaqbal ugala baxay lacag dhan 7 kun oo Dollar oo xisbigu lahaa.

 Mr. Waqaf waxa uu ku dooday in lacagtaasi ay ku baxday nidaam  xisaabeed cad  “Lacagihii xisaabaadka xisbiga ku soo dhacay bishii July iyo August oo ahaa wakhtigii uu khilaafku socday waxa ay ugu jirtaa xisaabta, waana loogu yimid, anaga oo awood u lahayn oo waliba saxeexayagu shaqeynayey haddana waxaanu ka door-bidnay (inaanu iska dayno) maadaama oo wakhti khilaaf lagu jiray,”ayuu yidhi Aadan Waqaf.

 Dhinaca kale waxa  gudoomiye ku xigeenkii hore ee Xisbiga UCID uu  iftiimiyay halka uu masiirkooda siyaasadeed ku danbaynayo waxaanu cadeeyay inay weli ku gudo jiraan kulamo wada tashi ah oo ay leeyihiin inta ay afkaarta wadaagaan, taas oo aanay ka madhanayn sida uu sheegay furashada urur siyaasadeed cusub.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Afhayeenkii xisbiga UCID  Xasan Xuseen “Cod Yare” oo sheegay inay ka baxeen xisbigii ay muddo sanado ah ka tirsanaayeen.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com