Taliska Ciidamada Qaranka Iyo Asluubta Oo Qado Sharaf Ku Qaabilay Moh Farah

Hargeysa (Somaliland.Org)-Cidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland, Taliye Xigeenka Asluubta, iyo saraakaiil ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa maanta  qado sharaf ugu sameeyay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa orod yahanka caanka ah ee Moh Farah.

Taliyahaciidanka qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horeyan halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa wuxuu yidhi “Waxaa sharaf noo ah inkasta oo uu ciyaartoyga Moh Faarax ku ciyaaraayay magaca Dawlada Ingriiska, hadana waxa uu Maxamed u dhashaya Somaliland, taasina shacbiga Somaliland sharaf bay u tahay. Waxaa hore u jiray nin kale oo reer Somaliland ahaa oo orodyahan ah, waxaanu ahaa Cabdi Bile Cabdi, adiguna waxaad tahay ninkii labaad ee orodada ku soo baxa , Aniga oo ku hadlaaya magaca ciidamada Qaranka ee kala duwan waxaan halkan kaaga soo jeedinayaa hanbalyo ,waxaa kale oo aanu kuugu ducaynayaa in orodada danbe ee aad gasho ILLAAHAY kuu fududeeyo oo aad noqoto ninka ku guulaysta.”

“Marhadii aad adigu noqotay ciyaartoy heer caalami ah waxaa lagaaga baahan yahay in aad wallaalahaaga reer Somaliland ee aan fursadaa helin aad uga faa’iidayso khibradaada iyo waayo aragnimada aad u leedahay orodada, si ay iyaguna meeqaam sare uga gaadhaan orodada.” Ayuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyay taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani.

Mr. Moh Faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa ciidamada Qaranka ee kala duwan ee maanta Xafladan ii sameeyay aadna way ii raali galisay sida aan kala hadhka lahayn ee la ii soo Dhaweeyay, waana dalkaygii Hooyo waligayna ilaabimaayo sida la ii soo dhaweeyay. Anigu waligay ilaabi maayo dalkayga iyo dadkayga, wixii aan tari karana waan tari-doonaa.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

Cumarmfaarax@hotmail.com