Madaxweyne Siilaanyo oo canaan u jeediyay xafiiska Siyaasada ee Qarammadda Midoobay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia uu kala masuugay Somaliland inuu beesha caalamka gaadh siiyo dimuqraadiyada dalkan iyo horumarka ka socda. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu maanta la yeeshay Wefti ka socday qaramada Midoobay oo uu […]

Badhasaabka Togdheer Iyo Maayarka Burco Oo Beeniyay eedo loo soo jeediyay Ha’yad samo-fal

Burco (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi, Maayarka Magaalada Burco Maxamed Xasan Dhego-laab iyo masuuliyiin kale ayaa maanta si weyn u beeniyay una Naqdiyay war lagu soo daabacay Wargeyska HAATUF cadadkiisii soo baxay 17-kii bishan oo sheegayay in Ha’yada MEDIAR ee Fadhigeedu yahay Burco ay hawl wadeenada ay shaqaalaynayso ku xidho shuruudo kiristaamayn ah. […]

Mucaaradka Liibiya oo u jihaystay magaaladii uu Qadaafi ku dhashay

Tripoli (Somaliland.Org) Afar maalmood ka dib markii mucaaradka Libya ay soo galeen magaalada Tripoli ee caasimada Liibiya ayaa inta badan dagaalku waxa uu u muuqdaa inuu dhamaaday.dawladii qadaafina waxay u eg tahay mid gabi ahaanba burburtay. Mucaaradka ayaa weli isku dayaya inay qabsadaan dhawr magaalo, oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada u daacadda ah Colonel […]

Berbera Oo Laga Dhisayo Wershedda Lagu safeeyo Shidaalka Deegaanka Soomaalida Ee Dalka Ethiopia

Addis.ababa….Warside u dhoon-daloola Arrimaha Shiidaalka Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia oo la yidhaahdo Wabishabeele ayaa (24/08/2011) daabacay war sheegaaya in Berbera qarka u saaran tahay in laga dhiso Wershed lagu safayn-doono Shiidaalka Ceedhin. Warsidaha ayaa warkan uu faafiyey ku bilaabay sidan…….Sida ay u muuqato, wershedda lagu safayn-doono shidaalka laga soo saarayo deegaanka Soomaalida ayey suurogal tahay […]

Maxkamada Sare ee Somaliland Oo Maalin ku soo gabo-gabaysay dhegaysiga dacwada Xisbiga UCID

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maxkamada Sare Somaliland ayaa maanta gudo gashay dhegaysiga dacwada Xisbiga UCID ee ay isku hayaan labada garab ee ay kala hoggaamiyaan Faysal Cali Waraabe iyo Aadan Maxamed Mirre (Waqaf). Fadhigan maxkamada sare ku dhegaysanaysay dacwada UCID waxa gudoominayay Guddoomiyaha Maxkamada sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali, waxaana ka soo qeyb galay oo goob joog […]

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Oo socdaal ku tagay Wadanka Norway

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shalay socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Norway. Wasiirku waxa uu u sheegay shabakada wararka ee Somaliland.Org, ka hor intii aanu ka dhoofin dalka, inuu kulamo la yeelan doono mudada uu jooga dalka Norway Wasiirka Arrimaha dibada dalkaasi Md. Barth Eide iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Norway oo uu kala hadli doono danaha Somaliland.

Abaarro kulul iyo Macaluul ka taagan jiida Waqooyiga Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Xaaji Cabdillaahi Xamarje iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda dib u dejinta Somalialnd Mudane ayaa kormeer ay ku qiimaynayeen xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo ku soo barakacay abaaraha dabada dheeraday ee ka dhacay waqooyiga Hargeysa ayaa maanta ku soo maray deegaanada Baliga-cas iyo Beeyo-baxday. Boqolaal […]

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka hadlay dilkii Taliyihii Saldhiga Daallo ee Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (Somaliland.Org):- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa booqasho ku tegay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Waxaana socdaalkan ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliayada Warsame Siciid Cabdi, iyada oo sidoo kale la filayo in uu ku soo biro Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle […]

Guddida joogta ee Guurtida oo Warbixin ka dhegaystay Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida joogtada ee Golaha Guurtida ayaa maanta warbixin ka dhegaystay Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, oo tafaasiil ka siiyay waxqabadka wasaaradaasi iyo waajibaadka ay xukuumada uga masuulka tahay. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshadda Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac waxay ku dooday in mudadii ay xilka haysay wasaaradaasi ay u […]

Wasiirka Warfaafinta Oo Jawaab adag ka bixiyay eedo Saxaafadu u jeedisay xukuumada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa ka hadashay eedo loo jeediyay oo la xidhiidha inay qaaday tallaabooyin ay ku cabudhinayso Saxaafadda madaxa banaan ee dalka. Sidaasna waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo uu Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade caawa ku qabtay xarunta wasaaradaasi waxaanu sheegay madax banaanida saxaafadda dalku haysataa […]

Xukuumadda Somaliland oo Garabada UCID ugu baaqay inay ka dhursugaan go’aanka Maxkamada sare

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumada Somaliland ayaa dhinacyada isku haya Xisbiga mucaaridka ee UCID u soo jeediyay inay ku kala baxaan oo ay ka dhursugaan qaraarka ay maxkamaddu ka soo saarto arrintaasi. Xukuumaddu waxay sheegtay inaanay labada dhinac midna aanay la socon, sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu caawa soo saaray Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta […]

Telefishanka Qaranka oo markii u horaysay laga daawaday Yurub

Hargeysa (Somaliland.Org)- TV-ga qaranka ayaa markii u horraysay caawa si toos ah looga daawaday dalalka qaarada Yurub, sida uu noo sheegay Agaasimaha Telefishanka qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul. TV-ga qaranka waxa uu galay Satalayt-ka Hot-bird waxaana laga daawanayay Frequency-ka ah 1156627500, waxaana la sheegay in xukuumadda Somaliland ay bixisay kirada hawada ee Satalayt-ka muddo sadex sanadood ah.

“Markaan qalbigayga ka hadlo waxaan idiin sheegayaa madaxwaynaha lexejeclo badan ayaan ka leeyahay”

Hargaysa (Somaliland.Org):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta xilkii ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Md Cismaan Garaad Soofe, ka dib markii uu todobaadkii hore iska casilay xilka Wasiirnimo Dr Gaboose. Munaasibadani uu xilka uu xilka ku wareejinayay Dr Gaboose oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda arimaha […]

Guddida Cadaaladda oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Caddaalada Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa soo saaray Go’aan xilkii lagaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa Sh. Xuseen Warfaa Sigad, oo lagu eedeeyay inuu maxaabiis xukuman ka iibiyay xadhigii. Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed u qornaa sidan “Wasaarada Cadaallada iyo Garsoorku iyadoo cuskanaysa Qodobka 106-aad ee dastuurrka […]

Madaxweyne Siilaanyo oo dhaqan geliyay xeerka furashada ururada siyaasada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay xeerka nidaamka ururada iyo Axsaabta siyaasada Somaliland ka dib markii dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Wakiilada iyo Guurtidu uu midba dhinaciisa cod aqlabiyad ah ugu meel mariyay xeerkan oo dad badani danaynayaan. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi […]

Shirkadda Al-Nuur Oo Caruurta Xarunta Agoomaha Ugu Deeqday Dharkii Ciida

Hargeysa(Somaliland.Org) – Shirkadda Al- Nuur ayaa xarunta agoomaha Hargeysa ugu tabarucdday dharka Ciidda ee caruurta Xaruntaasi oo ka kooban shan boqol iyo sagaal qof. Munaasibad loo sameeyay Deeqdan Shirkadda ganacsiga ee Al Nuur Furniture Company ay kaga farxisay Boqolaalka caruurta ah ee ku jira Xarunta agoomaha ee Caasimadda Hargeysa waxaa ka hadlay maamulaha xaruntaas Marwo […]

Social Media oo noqotay awood lagu dagaalamo

Warbaahinta la magac baxday Social Media ama warbaahinta bulshada hore looma aqoon, kumanay jirin warbaahinta wax laysku gaadhsiiyo, balse waxa aad loo arkay waxtarka Social Media bilowigii 2011, gaar ahaan bilihii ugu horeeyey ee January iyo February, xilligaas oo ay socdeen kacdoonadii Tunisa iyo Masar. Social Media ama warbaahinta bulshada waxa loo jeedaa, warbaahinta Internet-ka […]