Xukuumada Somaliland Waxay Ku Socotaa Jidkii Horumarka

Cidna aniga oo aan u diideyn in ay sifa sharciya Xukumadda u dhaliisho, ayaa waxaa xusid muddan aqoonsiga iyo qirista horumarka balaadhan ee Xukumadda Axmed Siilaanyo ku talaabsatay mudaddii koobnayd ee hogaanka dalka ay haysey oo ah wax aad loogu faano oo weliba ay tahay in lagu amaano masuuliyiinta Qaranka dadaalkoodda weyn iyo suuragelinta balanqaadyadii wakhtigii doorshadda oo intii badnayd ay fushey, inta hadhsana ay Xukumadu hayso jidkii iyo siddii loo fulin lahaa.

Waxaa xusid mudan waxii Xukumaddii hore ku qaban weydey sideed sannadood in Xukumadda dalka ka jirtaa ku qabatay muddo kooban oo sanadda. Markaa haddii aan caqliga adeegsano, isweydiintu waxay tahay, maxaa inoo qabsoomi kara haddii Xukumadda la siiyo fursad ay hawlaheedda ku fuliso oo laga daayo dacaayadaha iyo qoraaladda been abuurkaa ee hadh iyo habeen Waraaqaha, TVyadda iyo Mareeguhu qorayaan oo si toosa suuldaaro iyo waxyeelo ku ah sabsami u socodka hawlaha Qaranka iyo fulintoodda oo la odhan karo waxay si toosa u burburinayaan nidaamka aan samaysanay iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee weli curdinkaa, isla markaasina aan gaadhin hadafkii iyo himiladdii dhabta ahayd ee loo hayaanka yahay.

Dhaliisha aan caafimaad qabin ee ka imanaysa shaqsiyaadka xanuunsanaya waxay soo dedejinaysaa iska horkeenidda iyo shaki ku abuurista shacabka reer Somaliland, waxayna dadkaasi si toosa ugu adeegayaan cadowga iyo kuwa Somaliland dagaalka tooskaa kula jira. Hadaba Xukumadu waxay la tacaalaysaa cadowga dibadda, halka cadowga gudahu oo ah qaar jidhkoodda toorey iyo xabad la dhacaaya ayaa ah qaar aan garaadkoodu siinin dhaawaca iyo khaasara maalin kasta ay u geysanayaan dalkoodda iyo dadkoodda, oo ay ka madhantahay damiirka fiican iyo muwaadinnimada qof kasta laga rabo, isla markaasina aan aqoon waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay ee lama taabtaankaa oo ah dastuuri iyo qawaaniinta dalka u taala oo si khaldan oo indha la,aana ay ugu tuntaan maalin kasta.

Xukumadu qaadhaanka ay ugu yaboohday walaalaheenna Somaliyeed ee aad inooga jilicsan oo abaaro iyo colaado riiq dheeraday baabiyeen, waxay ahayd gargaar bili-aadminimo oo wakhtigii saxda ahaa tegey meeshii saxda ahayd iyo talaabo diblamaasiyadeed oo Xukumadda Somaliland ay u dirtay Bulshadda Caalamka ee aan martidda uga nahay aqoonsi iyo inay qiraan doorkeenna dowladnimo. Gargaarkaasi bili-aadminimo ee Somaliland ugu deeqday walaalaha Somaliyeed, waxay noqotay arin aduunku aad u soo dhoweeyey oo Somaliland doorkeedda dowladnimo iyo jiritaankeedda kor u qaaday. Markaa nin aan siyaasadda iyo godadkeedda waxba ka aqoon waxay ula muuqanaysaa in qadarkaa lacagtaa dadkeenu u baahnaa, laakiin fariinta Xukumadu caalamka u dirtay waa aragti kaa da weyn iyo siddii Somaliland looga iibin lahaa jaaliyadaha caalamka ee qawlkoodda iyo taageeradoodu wax ku oolka tahay ee ay wax inagaga xidhanyahiin.

Cabdilaahi Cali Xassan

libaaxdabar@hotmail.com

Liverpool/UK