Jawigii Munaasibada Ciida ee Magaaladda Burco ee Gobolka Togdheer

Burco (Dawan)- Waxaa Saaka guud ahaanba Looga dareeray Gobolka Togdheer iyo degmooyinka hoos yimaada Saaladda Ciidul Fidriga, waxaana magaalada Burco ee ay saaka dadweynuhu ku kala tukadeen  goobo kala duwan ee ay ka mid ahaayeen Garoonka Stadiumka,Saylada Xoolaha,Maxamed Cali, masaajido iyo barxado dhawra oo ay isugu soo baxeen kumanan ka tirsan dadweynaha Magaalada Burco.

.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jirre) iyo Maamulka Gobolka Togdheer ayaa salaadii Ciida dadweynaha kula tukaday garoonka stadium-ka ee Magaalada Burco.

C/laahi Geeljire, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dadweynaha Magaallada Burco kala qeyb galo farxadda Ciidul fidriga, waxaanu gaadhsiiyay salaan uu sheegay inuu uga sido Gobolka Tog-dheer Madaxweyne Axmed Siilaanyo

“Waxaan farriin iyo salaan idiinka sidaa haddii aad tihiin bulshada Gobolka Togdheer Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) oo uu shacbiga ugu soo hambalyaynayo munaasibada Ciida awgeed, waxaan idiin rajaynayaa inaad sanadkan sanadkiisa bash bash iyo barwaaqo ku gaadhaan,”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysigu.

Waxa kale oo ka hadlay halkaasi Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi iyo Maayarka magaaladda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhego laab) Waxaanay dhambaalada jambalaya ah ee ay bulshada u direen

Sh.Cali Warsame, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Gobolka Tog-dheer, ayaa khudbad ka jeediyay kaga waramay Fadliga bishii Ramadaan ee la soo dhaafay iyo barakada maalmaha ciida.

Dadweynaha Magaalada Burco ayaa iskugu hambalyaynay munaasibada ciidul fidriga, Waxaana suuqyada camiray gadiidka dadweynaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxase Dadka ugu badan ee farxaddani suuqa u soo saartay ay ahaayeen Carruurta yar yar.

Sidoo kale, wararka aanu ka helayno gobolkaasi waxay sheegayaan in dhammaan degmooyinka Gobolka Togdheer oo dhan si weyn looga ciiday.

Weriyr Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com