“KULMIYE waa Xisbigii Madaxtinimadii naga qaaday, Waana Qani” Waran Cadde

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Siyaasadda Xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynenimada Xisbigiisa, waxaanu tilmaamay inuu ka cudur daartay soo jeedin ay ula yimid Guddoomiyaha KULMIYE ahayd inuu buuxiyo xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha. Ee uu dhawaan iska casilay Dr.Gaboose.

Cali Waran Cadde waxa uu sheegay inaanay is qabanayn inuu murashax madaxweyne noqdo iyo inuu xil Wasiirnimo ka qabto Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

“Anigoo runtii aad iyo aad u jecel inaan u shaqeeyo qarankayga, haddii aan xil hayo iyo haddii aanan xil hayninba ,arrintan la ii soo jeediyay ee la igu yidhi Wasiirka daakhiliga noqo markii ay suuqa u soo baxday ee aan isu miisaamay, waxaan u arkay jagada aan cadeeyay inaan u taagan nahay oo ah Murashax madaxweyne iyo Wasiirka Daakhiliga oo hawl aad iyo aad u adag ah. Cid kasta oo ila jeclayd inaan xilkaasi qabto waan u mahad calisaya oo waxaan leeyahay labadaasi hawlood laba hawlood oo is geli karaya ma aha. Saaxiibkay Muuse Biixi oo TV-ga ka hadlay oo sheegay inuu wax ila jecel yahay sidii uu Sheegayna aanu saaxiib nahay waxaan leeyahay labadaasi arrimood laba wax oo is qabanaya ma aha dalkana inaan khiyaameeyo maaha,”ayuu yidhi Cali Waran Cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Xamdi ee Magaalada Hargeysa.

“Waxaan doonayaa inaan ka midho dhaliyo Murashaxnimada oo aan isleeyahay Inshaalaahu haddii aad ku guulaysato wax ka badan Wasiir Daakhiliga ayaad ummadda u qaban kartaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha siyaasadda Xisbiga UDUB.

“Xisbiga KULMIYE waa xisbigii naga qaaday Madaxtinimadii wixii ay codkii dadweynaha nagaga qaadeen baa ku jira, markaa waxaan filayaa in rag badani ku jiraan oo Xisbigu qani yahay, laakiin haddii la yidhaahdo cidi kuma jirto dee shacbigii doortay ayaan caayayaa haddii aan I dhaahdo meesha waxba ma yaalaan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org
cumarmfaarax@hotmail.com

cumarmfaarax@hotmail.com
Somaliland.Org/Hargeysa