Madaxweyne Siilaanyo oo shacbiga Somaliland Ku Hambalyeeyay Munaasibada Ciidul Fudriga

Hargeysa (Somaliland.Org) Madaxweynaha Somaliland.Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa shacbi weynaha Somaliland u diray dhambaal hambalyo ah oo uu ku bogaadinayo munaasibada ciidul fidriga oo Somaliland iyo dunida Islaamkaba maalinta bari laga ciidayo.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed caawa uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Dahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-

“Assalamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakatu.
Maanta waa maalin weyn oo qiima ku leh caalamka islaamka.
Munaasabadda ciid-al-fidriga waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan munaasibaddan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta bugtana ka dul qaado xanuunka.
Beesha caalamka iyo cid kasta oo awood u leh in ay kaalmo ka geysato waxaanu ugu baaqayna in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ay xoolihii ka baxeen ee reer Somaliland oo aad u tabaalaysan. Iyagana Ilaahay waxaanu uga baryayna inuu ciwad khayr qaba ugu soo badalo.
Sida aynu ka warqabno dalkeena oo kaliye maaha, balse, Geeska Afrika waxaa jirta abaar xun oo si weyn u saamaysay dad badan oo ay qaarkood ka barakaceen guryahoodii, sida dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Soomaalya, ilaahayna waxaanu uga baryayna in uu ka dul qaado abaarta.
Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr. Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com\