“Xaaladda Nabad-gelyadu way ka soo raynaysaa, waxaase jira culayso badan oo saamaynaya Ammaanka”

Baaqa Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sool u diray Taliska Guud iyo Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Sool Col. Cabdilaahi Xaaji Calas, ayaa ka sheegay in xaaladda ammaanka ee gobolkaasi ay ka soo raynayso sidii hore, waxase uu tilmaamay inay jiraan culayso kala duwani. Taliyuhu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka ugu waramayay Weriye Cumar Maxamed Faarax, oo ka tirsan Shabakada wararka ee Somaliland.Org, waxaanu yidhi “Xaaladda ammanka Gobolka Sool way fiican tahay waanay ka soo raynaysaa maalinba maalinta ka dambaysa, laakiin waxa jira culasyo badan oo amniga saamayn kara oo aanu taxadar ka leenahay waxaana ka mid ah kooxda dawladda Shariifka Soomaaliya oo gaalaa bixinaysa Puntland waana aanu ka digtoonahay. Sida kale ammaanku aad buu u fiican yahay.”

Taliyaha qeybta Booliska Sool waxa uu sheegay in loo baahan yahay in kor loo qaado tirada iyo tayada ciidamada gobolkaasi oo uu ku sifeeyay mid xasaasi ah “Meel walba isku filaansho ma jiro, waxaan leeyahay waa in ciidanka Booliska la kordhiyaa maadaama oo uu gobolku yahay mid xasaasi ah oo tiradda ciidanka la gaadhsiiyaa illaa shan Boqol oo askari. Waxa kale oo aan ka dalbanaynaa dawlada iyo Taliska guud ee Ciidanka Booliska inay agabka iyo qalabka Booliska wax nagala qabtaan si kor loogu qaado xil gudashada Booliska gobolka.”

Col. Cabdilaahi Xaaji Calas, oo aanu weydiinay inay maxkamada u gudbiyeen dad kii ay u qab qabteen qaraxyadii iyo Dilalkii laga fuliyay gobolkaasi waxaanu yidhi “Waxa jiray in sadex qof aanu u qabanay dhawaan falalkii iyo Dilalkii ka dhacay Magaaladda, sadexdaasi qof waxaanu u soo Gudbinay Hargeysa waxaanan filaiyaa inaan wali maxkamad la soo taagin.laakiin waa dad ay wax ku cad yihiin sidaan filayo. Waxa kale oo jira inaanu qabqabanay dad badan oo kale oo baadhis aanu ku samaynayno marka la dhamaystirana cidii wax lagu waayo waa la sii daynayaa cidii wax lagu helana waa la xukumayaa.”

Taliyuhu waxa uu u mahad celiyay dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool oo uu sheegay inay xiligan gacan weyn siiyaan ciidamada ammaanka ee gobolka.

Somaliland.Org/Hargeysa
sldot@gmail.com