Waran Cadde oo U Ololaynaya In loo magacaabo Wasiirka Daakhiliga

Hargeysa (Somaliland.Org) Guddoomiyaha siyaasadda ee Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Mr. Cali Maxamed Warancadde ayaa u xusul duuban isla markaana olale weyn ugu jira sidii Madaxweyne Siilaanyo ugu Maracaabi lahaa xilka Wasiirka Daakhiliga ee uu dhawaan iska casilay Dr,. Maxamed Cabdi Gaboose. Waxaanu suuqa soo geliyay in la magacaabayo.

Cali Warancadde waxa uu soo Ururiyay odayaal iyo madax dhaqameedka uu ka Codsaday inay Madaxweynaha ugu tagaan oo ay u weydiiyaan in xilkaasi banaanaaday isaga loo Maracaibo. Iyada oo Guddoomiyaha siyaasadda ee Xisbiga UDUB uu suuqa gashaday warar uu leeyahay in loo magacaabayo Wasiirka Daakhiliga.

Laba bilood ka hor waraysi uu Siiyay TV_ga madaxa banaan ee Horn Cable waxa uu sheegay Md Warancade in aanu wax xil ah ka qabanayn haddii Dawlada Axmed Siilanyo magacowdo xil wasiirnimo isagoo sidan oo kale xiligaasna suuqa soo geliyay in Wasiir loo magacaabayo.

“Waxaan idiin sheegayaa inaanan wax xil ah ka qabanayn xukuuamdda haddii ay xil wasiirnimo ii magacaabaan, waxaan ummadda u sheegayaa inaan soo dhamaystay badi xilalka wasiirnimo,”ayuu yidhi Cali Warancadde xiligaasi waxaanu intaasi ku daray “Marxuum- Cigaal ayaa mar igu yidhi soo xulo wasaarada aad doonayso ka dibna waxaan ku idhi wasaaradihii kalena waan soo wada qabtay laba wasaaradoodna waan ku cimri deg degayaa ee ha ii dhiibin wasaaradahaasina waa Maaliyada iyo Arrimaha Gudaha.”

Cali Waran-cadde oo lagu tilmaamo Dadka dawlad ku noosha ah waxa uu sheegay bilihii la soo dhaafay si joogto ah uga hadlayay qalabka warbaahinta isagoo iska dhigayay inuu Tallooyin nasteex ah siinayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Maxamed Xuseen
Somaliland.Org/Hargeysa
office-sldotorg@gmail.com