Hoggaanka Ku Meel gaadhka ah ee UCID oo mudadii korodhsaday

Hargeysa (Somaliland.Org)-Hoggaanka ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID, ayaa mar kale korodhsaday 45 Maalmood oo kale ka dib markii siday sheegeen ay maxkamad gashay khilaafkii xisbigaasi ka dhex aloosnaa.

Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mirre (Waqaf) waxa kale uu ka hadlay masuuliyiintii laamaha dawlada Sool ee dhawaan lagu xidhay Garoowe oo ay xukuuamada ku eedeeyeen inay ka gaabisay waxqabadka masuuliyiintaasi war saxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:-

“Hoggaanka ku meel-gaadhka ah ee xisbiga UCID iyo Guddida Fulintu shir ay maanta isugu yimaadeen waxay soo saareen qodobada soo socda:
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku wuxuu si adag u cambaaraynayaa saraakiisha reer Somaliland ee laga afduubtay dhulkoodi hooyo gaar ahaan gobolka Sool iyagoo ku guda jira hawshii ay qaranka u hayeen afduubayna maamul goboleedka Puntland laguna riday xukuno xaqdarro ah, xukuumadana waxaanu u soo jeedinaynaa inay talaabada ku haboon ka qaado arrintaas si degdeg ah iyadoo hore xukuumaddu uga gaabisay wax ka qabadka arrintaas.
Maadaama arrinta Xisbigu ku jirto maxkamadda sare ee Somaliland, soona dhawyahay wakhtigii loo cayimay shirweynaha 3aad ee 7-8 September 2011, iyadoo la tixraacayo Qodobka 10aad Faqradiisa 4aad ee xeerka Xisbiga oo ogolaanaya in 90 maalmood dib ay u dhigi-karaan Guddida fulintu shirweynaha waxa la go’aamiyey in hogaanka ku meel-gaadhka ah loo cusboonaysiiyo 45 cisho oo kale oo ka bilaabmaysa 9 September 2011.
Guddida fulinta ayaa iclaaminaya wakhtiga shirweynaha la qaban doono 45-kaas maalmood gudahood.

Hogaanka ku meel-gaadhka ah iyo Guddida fulintu waxay horena u balan qaadeen imikana balanqaadayaan in ay ilaaliyaan nabadgalyada iyo xasiloonida qaranka Somaliland.

Xisbigu Wuxuu ka digaynaa in hawlaha Xisbiga UCID ka dhex jira lagula galgasho Golaha Deegaanka Hargaysa oo laga daayo hagista daaha dabadiisa iyadoo qof gaar ah loola jeedo.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com\