“Somaliland Waxay soo jiidanaysaa shirkadaha Saliidda” Wargeyska Upstream

Hargeysa (Somaliland.Org) Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Max’d Cabdillaahi Cumar, ayaa kulan kula yeeshay magaalada London shirkada maalgashiga ‘investment bank libertas’ toddobaadkan. Kulankaasi waxa labada dhinac kaga wada xaajoodeen sidii ay shirkadaha saliiddu uga hawlgeli lahaayeen dhulka Somaliland.

Wargeyska Upstream oo wax ka qoray kulanka Wasiirka ayaa sheegay in ay Somaliland ku tallaabsatay sidii ay u soo jiidan lahayd shirkadaha saliidda, isla markaana ka gudubtay dhibaatooyinka ay keenaan baadhista iyo soo saarista (E & p business) iyada oo ku hawlan in ay ku qanciso aqoonsi ay hesho oo ay Taageeraan dedaalkeeda UN, AU, EU.

Wasiirku waxa uu u sheegay jariirada Upstream, in kulanka lagaga hadlay barnaamijyada sahaminta iyo soo saarista sidii ay shirkadaha saliiddu u guda geli lahaayeen iyo wixii carqaladaha ee ka iman kara dhinaca caymiska maadaama aan weli la aqoonsan Somaliland.

Shirkadda Libertas oo ah la-taliye ay soo magacaabeen oo matalaysa shirkadaha ‘Energy and Natural Resources focused AIM-listed companies’, waxa ay toddobaadkanba bilawday sidii ay uga hawlgeli lahayd soo jiidashada maalgashadeyaasha horeba isha ugu hayay fursadaha gaasta iyo saliidda Somaliland.

Mid ka mid ah xeeldheerayaasha maaliyadeed oo sharraxaadii ugu horeysey ka bixiyay joogitaanka baanka Libertas ee sida tooska ah u khusaynayay kulankani, ayaa ku macneeyay tallaabo aad ugu wanaagsan geedi-socodka iyo wareegga labaad ee kulankani oo la qorsheeyay in uu ka dhaco London 30 bishan August.

Wasiirka Maxamed Cumar, waxa uu xusay in Somaliland oo ka qayb gashay xafladihii dabbaaldegga xorriyadda Koonfurta Suudaan bishii hore ee Jubba, in ay si rasmi ah u raadinayso aqoonsi madaxbannaani ay ka hesho Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, taasina uu carrabka ku adkeeyey in aanay kala kulmayn wax dhibaato ah.
Shirkadda Petro trans oo saldhigeedu yahay Honkong, ayaa dawladda Itoobiya siisay bishii hore in ay ka hawlgasho dhawr block, halkaasi oo ay ka soo saari doonto muddo 3 sano ah shidaalka, isla markaana ay ku dhisi doonto adeegyada dhoofinta iyo sifeynta gaasta muddadaas gudaheeda.

Dhuumahaasi shidaalka qaadaya, ayaa loogu talogalay in ay ka gudbaan dekedda Somaliland ee Berbera, iyaga oo ka imanaya dhulka Soomaalidu degto ee Kililka shanaad.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com