Ku simaha Wasiirka Daakhiliga oo Kormeer ku soo maray Suuqyada Cidhiidhiga ah ee Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ku simaha Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Md/ Cismaan Garaad Sooffe iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje ayaa maanta kormeer ay ku darsayeen dhinaca amaanka waxay ku soo mareen Suuqyada waaweyn ee caasimada Hargeysa oo samxad weyni ka jirtay dadwynuhuna ay ka iibsanayeen adeegyadda ay u baahan yihiin xiliga Ciida.

Ku simaha Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Md/ Cismaan Garaad Sooffe oo kormeerkiisa ka dib la hadlayay Saxaafada waxa uu yidhi “Waxaanu saaka kormeer ku soo marnay Suuqyada u waaweyn caasimada Hargeysa iyo shaaricyada kala duwan waxaanu u kuurgalaynay xaalada Nabadgelyada iyo waxay ku sugan yihiin suuqyada caasimaddu oo Maalmahan u dambeeyay uu ka jiray dhaqdhaqaaq xoogleh lagana dareemayay wax kala iibsiga. Indhahayaga ayaanu ku soo aragnay siday bulshadu u adeeganaysay.”

“Ninka madaxda ah ee amnigu khuseeyaa way u kala duwan tahay marka wixii jira uu indhiisa ku soo arko iyo marka warka uun loo keeno isagoo xafiiska fadhiya. Nasiib wanaag Aniga iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex waxaanu indhahayaga ku soo aragnay intii aanu ka gaadhi karaynay suuqyada iyo shaaracyada laga dukaansanayay wax dhibaato ahina kamay jirin,”ayuu yidhi ku simaha Wasiirku.

Wasiir ku Xigeenka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Dadkii wax iibinayay iyo kuwii wax iibsanayay ee aanu waraysanay waxay noo sheegeen in amnigu aad iyo aad u fiican yahay waa ILAAHAY mahadii arrintaasi waxay ku timid dedaal ay sameeyeen dadweynaha sharafta leh ee reer Somaliland iyo Ha’yadaha ka shaqeeya ammaanka oo qudhoodu xil weyn iska saaray ammaanka dalka.|”

Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Hargeysa Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi ayaa isaguna u mahad celiyay dadweynaha teer Hargeysa waxaanu ku bogaadiyay munaasibada ciidul fidriga, waxaanu gadiidka u soo jeediyay inay Xawaarre hoose ku dhex socdaan jidadka suuqyada Hargeysa si aanay u waxyeelayn dadweynaha ka adeeganaya suuqyada Magaallada oo cidhiidhi ahaa maalmihii la soo dhaafay.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com\