Ku Simaha Maayarka Hargeysa oo Gaashaanka ku dhuftay Mooshin maamuus ka xayuubin ah

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ku Simaha Maayarka ahna Maayar Ku xigeenka caasiamda Hargeysa Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa maanta Gaashaanka ku dhuftay mooshin maamuus ka Xayuubin ah oo ay ka soo Dalbaddeen Mudaneyaal ka tirsan Golaha Deegaanku kaasi oo ku eedeeyay inuu ku tagri falay hantidii iyo dhaqaalihii dawalda Hoose ee Caasimada.

Ku xigeenka duqa caasimadda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu si adag u beeniyay inuu sameeyay wax musuqmaasuq ah waxaanu ku dooday in mudadii uu ku simaha ka ahaa caasimada Hargeysa ay dawlada Hoose fulisay adeegyo muhiim ah oo ay dhiseen wax uu ugu yeedhay wadooyin shacbigu u riyaaqeen. Waxaanu waxba kama jiraan ku sifeeyay eedaha ay u soo jeediyeen Xildhibaanada Golaha Deegaanku.

Md. Uurcadde waxa uu sheegay in aanay xildhibaanada Golaha Deegaanku xiligan awood u lahayn inay xilka ka qaadaan Maayarka iyo Ku xigeenkiisa maadaama oo uu dhamaatay wakthigii sharciga ahaa ee la soo doortay.

“Arrimaha Xildhibaanada Golaha deegaanku soo jeediyeen oo ay ku codsadeen fadhi aan caadi ahayn oo xilka lagaga qaadayo Maayar-ku xigeenka runtii Xildhibaanadu aad ayay u mahadsan yihiin xaqna way u Leeyihiin inay soo jeeddiyaan, laakiin xeerka aanu ku shaqayno Gole deegaan ahaan oo ah Xeer Lr 33/2003 exercise waxa uu dhigayaa inaanay Xildhibaanada Golaha deegaanku aanay xilka ka qaadi Karin Maayarka iyo ku xigeenkiisa sanadka ugu dambeeya ee muddo xileedkooda, imikana waxaanu ku jirnaa muddo dhaaf oo waanu dhamaysanay waktigii la soo doortay Golaha deeggaanka,”ayuu yidhi Maayar-kuxigeenka Caasimaddu.

Sidoo kale, waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Xoghayaha fulinta dawlada Hoose ee Hargeysa Mr. Deeq Xirsi Cambuur, waxaanu sheegay in xiligan ay dawlada Hoose kor u qaaday adeegyadii ay bulshada u haysay isla markaana ay samaysay jidad badan oo laga hirgeliyay shanta degmo ee caasimada Hargeysa.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com\