Dhaqdhaqaaqa Suuqa Laascaanood iyo u diyaar garowga munaasibada Ciidul fidriga

Laascaanood (Somaliland.Org):- Iyada oo lagu jiro maalmihii u danbeeyay ee bisha Barakasyan ee Ramadaan isla markaana ay fooda inagu soo hayso ciida Ciidul fidriga ayaa waxaa dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ay dadwaynuu ugu diyaar garoobayaan ciidaasi laga dareemayaa magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka sool ee Somaliland.

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa maalmihii u danbeeyay si aad ah ay dadwaynuhu u camireen suuqyada lagu iibiyo waxyaabaha la xidho sida dharka iyo kabaha, kuwaasi oo dukaamada dharka ka iibsanay alaabooyinkaasi.Suuqa ugu wayn magaalada Laascaanood ayaa waxaa lagu arkayaa meheradaha iibiya dharka, Kabaha iyo waxyaabaha kale ee la xidho kuwaasi oo si aad ah u camiray meheradaha dhar iyo Kabo kala duwan, dadwayne u badan dhalinyaro, dumar iyo caruur ayaa si aad ah wax uga iibsanay meheradahaasi, iyada oo ganacsatada dukaamada dharka iibiyaana ay keeneen noocyadii ugu danbeeyay ee dhar ah si ay uga iibiyaan dadka magaalada degan ee u diyaar garoobaya ciida ciidul fidriga.

Ka sekow dukaamada dharka, kabaha iyo waxyaabaha la xidho iibiya waxaa kale oo jira qaar ka mid ah ganacsatada oo iyaguna iibinaya alaabooyin yar-yar gaar ahaana waxyaahaba ay caruurtu maalmaha ciida ku ciyaaraan sida Baastoolahada caaga ah, Baaruuda yar-yar, Bii-biida, diyaarado caag ah iyo waxyaabo kale oo aad u farabadan oo ka mid ah waxyaabahaasi ay caruurtu isku maaweelyaan maalmaha ciida.

Magaalada Laascaanood ee xarunta goblka Sool ayaa la odhan karaa camirnaanta dukaamada dharka iyo dadwaynaha aadka u tirada badan ee wax ka iibsanaya waxaa ugu wacan iyada oo aanay magaaladaasi sanadihii hore nabad geliadeedu wanaagsanayn, balse sanadkan gaar ahaana bilihii u danbeeyay si aad ah looga shaqeeyay dhinaca banad geliyada, iyada oo Dadka shacabka ah haddii ay ganacsatda tahay iyo dadka kaleba wakhti xaadirkan si bilaa cabsi ah ay waxna uga iibsan karaan waxna u iibin karaan magaalada Laascaanood taasina ay ugu wacan tahay nabad geliyada magaaladaasi oo wax badani ay iska bedeleen sidii ay ahayd sanadihii hore.

Guud ahaanba magaalooyinka caalamka ee ay ku nool yihiin dadka Islaamka ah ayaa camirnaantan suuqyada dharka iibiya iyo dadka shacabka ahba waxaa ka jira suuqyada oo ay dadwaynuhu si aad ah u buux dhaafiyeen, kuwaasi oo u diyaar garoobaya ciida bisha Barkaysan ee Ciidul Fidriga oo fooda inagu soo haysa.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com