Wasiirka Ciyaaraha oo Socdaal Ku Tagey Magaalada Burco

Burco (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada Ciyaaraha,Hidaha iyo dhaqanka Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Burco sida uu ku soo waramayo weriyahaga gobolka Togdheer Maxamed Balaaki.

Wasiirka Ciyaaraha ayaa galabta kormeer balaadhan ku sameeyay qaar ka tirsan garoomada ciyaaraha ee Gobolka qaarkood kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Garoonka Saylada Xoolaha, zaroonka kubada gacanta ee Sh. Bashiir, garoonka kubada gacanta ee Candlelight iyo waliba garoonka kubada cagata ugu weyn magaalada Burco ee Alamzay Stadium.
Wasiirku intii uu kormeerkiisani ku gudo-jiray ayaa waxa uu halkaasi ka jeediyay hadalo isugu jiray dardaaran iyo waanooyin uu uga soo jeediyay qaar ka tirsan naadiyadii ku tartamayay Koobka bisha Ramadaan ee ka socda garoomadan Burco.
Wasiirku mar uu ka qaybgalayay ciayaartii kama danabaysta ahayd oo shalay galab ka dhacaysay garoonka Alamzay Stadium ee magaalada Burco  oo ay ku tartamayeen labada kooxood ee Booliska iyo Horseed uu halkaasi markii ay ciyaartu dhamaatay uu kala hadalay dhalinyaradii ciyaaraysay iyo boqolaal ka tirsan daawadayaasha tartankani, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta aan goob joog ka ahaado ciyaartii kama danabyasta ahayd ee dhexmaraysay Kooxaha Booliska iyo Horseed oo guushuna ku raacday kooxda Horseed 1 gool iyo waxba, waana ILLAAHAY mahadii sida nabadgalyada ah ee ciayaaratani ku soo gabagabawday. waxaanan kula talinayaa dhalinyaradu in nidaamkooda ciyaareed ay ka shaqeeyaan sidii ay u horumarinlahaayeen”
Wasiirka ciyaarahu mar uu ka hadalayay in gudigii qiimaynta qabshada Koobka Gobolada Somaliland ay soo sareen qorshe lagu shaaciayay in Gobolka Togdheer lagu qabanyo koobka Gobolda Somaliland.
“Waxa kale oo ii farxad ah oo aan ugu busharaynayaa dhaliyarada iyo ciyaartoyga Gobolka Togdheer inaan u sido bushaaro ah in tartankii gobolada Somaliland ee sanadkani lagu qabanayo gobolka Togdheer taasi oo ciyaaryahanada ka qaybgalayana laga xuli doono kooxaha heerka 1aad iyo kuwa heerka 2aad sidaasi
daraadeedna loo baahanyahay in koox waliba dedaal muujiso”

Dhinaca kale gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasin Muxumed Cabdi oo isagu ku wehelinayay wasiirka Kormeerkiisa garoomadani ayaa sheegay inay wasiirka ciyaaraha ku soo dhawaynayaan Gobolka Togdheer inuu yimaado xili ay aad ugu baahnaayeen taasi oo inta badan la xidhiidha hawlaha shaqo ee wasaaradiisa .
Ugu danbaytiina waxaa maalinta oo sabti ah loo balansanyahay in uu wasiirka ciyaaraha Somaliland kulan balaadhan la yeesho xubanaha khilaafka weyni ka dhexeeyo ee wasaarada ciyaaraha gobolka Togdheer iyo ciyaartoyga gobolka Togdheer ee uu kala irdheeyay khilaafka ka dhex aloosan masuuliyiinta ciyaaraha ee gobolka Togdheer.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com