Madaxweyne Siilaanyo oo dhambaal tacsi ah u diray qoyskii Marxuum- Aadan Cabdi Abyan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay ILAAHAY ha u naxariistee Marxuum-MUJAAHID AADAN CABDI ABYAN (AADAN CADE), oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska.
Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray caawa oo u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid MUJAAHID AADAN CABDI ABYAN (AADAN CADE) oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee SNM, MARXUUMKA oo ku geeriyooday Cariga ingiriiska.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJUCUUN.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com