Wasaarada Duulista Hawada Oo Soo Bandhigtay Waxqabadkeedii Sanadkii la soo dhaafay

Hargaysa (Somaliland.Org):-Wasaarada Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta Hotelka Ambasador ku soo bandhigtay waxqabadkeedii sanadkan.

Munaasibadan ay Wasaarada Duulista Hawadu ku soo bandhigaysay waxqabadkeeda waxa ka soo qayb galay Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Qorsheynta, Mareeyaha Guud ee Mabdacada Qaranka,Shaqaalaha Wasaarada Duulista Hawada Iyo waliba Marti Sharaf kale.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gadiidka Cirka Md Maxamuud Xaashi cabdi oo khudbad ka jeediyay munaasibadani ayaa ka warbixiyay waxqabadkii ay wasaaradu ku talaabsatay mudadii sanadka ahayd , isaga oo Wasiirku sheegay in madaadrada magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ay ku sameeyeen dib u habeyn, sidoo kale Madaarada Boorama,Burco,iyo Laascaanood oo aan hore u shaqayn jirin ay iminka shaqeeyaan waxaanu xusay in ay balaadhin ku sameeyeen barxadaha ay diyaaraduhu fadhiistaan ee Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

waxaa kale oo uu Wasiirku tilmaamay Madaarka magaalada Ceerigaabo oo aan markii hore gacanta ugu jirin wasaarada Duulista in ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan imikana uu si toos ah ushaqeeyo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Md Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay munaasibadaas lagu soo bandhigayay waxqabadka wasaaradda Duulista iyo Hawadda ayaa sheegay in talaabadani ay ka mid tahay balanqaadyadii xisbiga KULMIYE uu balan qaaday in uu waxqabad muuqda umada iyo dalkaba u qaban doono, isla markaana ay tani cadaynayso in bulshadda la tuso xisaab celin si ay u qiimeeyaan wixii ay wasaaradaha dalka u qabsoomay iyo waxyaabaha aan u qabsoomin

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com