Madaxweyne Siilaanyo Oo Madaxtooyada ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada Sare

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali, oo dhawaan Golaha Wakiiladdu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen.

Madaxweynuhu waxa uu ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada sare dhaartii dastuuriga ah waxaanu guddoomiyuhu Madaxweynaha kaga daba dhawaaqayay ereyadan “Waxaan ILAAHAY ugu dhaartay inaan u noqonayo daacad diinta Islaamka, dalkayga Somaliland, dadkiisana ku maamulayo sinaan iyo cadaalad inta aan xilka hayo.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu u soo jeediyay Guddoomiyaha inuu xilkiisa u guto si uu wadaniyad leh.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali dhaartiisa ka dib waxa uu isla xarunta Madaxtooyada ku dhaariyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com