Isuduwaha Caafimaadka Togdheer oo si kulul uga hadlay hadalo ka soo yeedhay Masuuliyiin

Burco(Somaliland.Org)-Isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka togdheer Dr.Cabdi Yaasiin, ayaa sheegay inaanay jirin wax gaadiid oo lacag laga lunsaday ama dacwado arintaas ku saabsan oo loo soo gudbiyaya xafiisyada wasaarada caafimaadka ee heer gobol ama degmo ee g/togdheer.
Waxa Dr.Cabdi Yaasiin intaasi ku daray in hawlihii caafimaad ee wasaarada iyo WHO ,ka wadeen degaanka Caynaba ay ka horyimaadeen maamulka caynaba ,oo gaadiidkii wasaaradu u dirtay halkaasi ee ka tagay Burco dib loo soo celiyay ,iyagoo xamaasad ka dhex abuuray,una kala saaray Burco iyo caynaba dadkii, Wasiirka Caafimaadka,Wasiirka Arimaha Gudaha iyo W/ku xigeenka Caafimaadka ayaa maamulka Caynaba kala hadlay arintan una sheegay inay faraha kala baxaan arimaasi balse dheg uma dhigin,waxanay samaysteen guddi Odayaal reer caynaba ,kuwaasoo qortay baabuur cusub ,kuwii wadaaradu Burco ka dirtayna soo eryay,waxay kaloo xidheen mudo saacado ah madaxii talaalka Degmada Caynaba ,kaasoo markii dambe ay soo daayeen.

Dr.Cabdi Yaasiin waxa kale oo intaasi raaciyay inay maamulkii wasaarada caafimaadka buriyeen ,maamulkalena caynaba ka samaysteen,anaguna markaanu wasaarad ahaan aragnay inay xaaladu xumaanayso ,faraha ayaanu ka qaadnay ,wixii hawshaa ka yimaadana waxa ka masuul ah maamulka caynaba,madaama maamulkii wasaarada buriyeen,
Waxa Dr, Cabdi Yaasiin carabka ku dhuftay inaanan diidanayn gobolnimada Saraas haseyeeshee hawlaha caafimaadka ee Oodweyne,Caynaba iyo Buuhoodle ay hoosyimaadaan gobolka togdheer,anaguna aan ka shaqayno horumarinta caafimaadka ee degaamadaasi,waxaana Caynba ka furnay dhowaan cisbitaalkii oo aanu hawlgalina,y oo dhakhaatiirtii Burco u dirnay,hawshaas oo dhana waxba kumay darsan maamulka caynabi,,waxa kale oo aanu dhowaana ka bilaabi doonaa degaamada gobolka togdheer,oo ay ku jiraan caynaba,buhoodle iyo oodweyne, barmaamij caafimaad oo loo yaqaan EPHS,kaasoo ah barmaamij caafimaad oo aad u wanaagsan,sidaas awgeed waxaanu u soo jeedinaynaa maamulka Caynaba inay dhibaato ku noqon horumarinta caafimaad ee laga wado degaankaasi,sidoo kale waxa uu tilmaamay in taburacaadka ay ururiyaan guddiga caafimaadka gobolka togdheer ay u siman yihiin , Caynaba,oodweyne iyo buuhoodle, burco,midkatana qaybtooda ay hesh.oo wali hawlaha horumarinta caafimaad ay hoostagaan wasaarada caafimaadka gobolka togdheer.

Wasaaradu caafimaadku waxay wali ku shaqysaa nidaamkii hore ee lixda gobol,mana jiraan mmisaaniyad gaara oo ay ku shaqeeyaan goboladaa cusubi,markaas caafimadka oodweyne,buuhoodle iyo caynabi Togdheer ayay hoos yimaadaan ee waxaan leenahay maamulka Caynabi hagardaamada ha ka daayo hawlaha caafimaadka ee degaankooda laga wado.

Xigasho :Togdheernews/Burco.