“Somaliland waxa ay Tustay Afrika in aanay u baahnayn Malaayiinka aan ku Shubno

Waxa la Gaadhay Xilligii aynu Aqoonsan lahayn Dalkan Dhiirinaanta Muujiyay’

Wargeyska ‘Daily Mail’ ayaa daabacay qormo uu cinwaan uga dhigay ‘Somaliland: Mustacmaradii hore ee Britishka oo tustay Afrika in aanay u baahnayn Malaayiinkeenna dollar ee aan ku horumarinno’.
Qormadan oo ku soo baxday wargeyska toddobaadkii u dambeeyey waxa qoray suxufiga ‘Ian Birrell’ oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland. Maqaalkaasi oo dhinacyo badan taabanaya oo aan soo turjumay waxa ka mid ahaa:
“Magaaladii Rajada: Labaatan sano ka hor waxa ay ahayd magaalada Hargeysa meel burbursan ka dib dagaalkii ay la soo gashay keligii taliyihii Soomaaliya. Hargeysa oo aan booqday toddobadkii hore waxa xilligaasi daqiiqaha ka dhigay diyaardihii ka soo kacay madaarkeeda oo uu soo diray keligii taliye arxan darraa, waxa iyana meel kasta daadsanaa miinada iyo waxyaabaha qarxa.
Kumanaan dadkeeda ayaa la dilay, malaayiin ayaa lagu qasbay in ay ka qaxaan guryahoodii. Hase yeeshee, maanta waxa ay ku tallaabsadeen guullo cajiib leh iyo sheekooyin la yaab leh oo uu gaadhay dal aan rasmi ahaan loo aqoonsanayn oo ku yaalla goob ka mid ah meelaha dunida ugu daran qalalaasaha ka jira awgeed. Dadka Somaliland, waxa lagala masuugay kaalmadii caalamiga ahayd. Balse iyaga ayaa samaystay nabada, hubkiiiska dhigay. Islamarkaana dhistay nidaam dawladeed oo gaar ah, kaasi hannaankii dimuqraadiyadeed ee galbeedka ku badhxay dhaqannadii Afrikaanka.
“Dhammaan waa wax ay qabsadeen Somalilanaders-ka oo keli ahi’. Qarankani waa mid leh madaxweyne, baarlamaan, baasaaboor iyo lacag, waxa uu qabsaday doorashooyin caddaalad ah oo ay ka mid ahayd mid ay musharixiintii madaxtooyadu ku kala baxeen 80 codoo keliya, taasi oo lagu xaliyay sharciga, waxa jira xorriyadda hadalka iyo aaminsanaan suuqa xorta ah oo si cad u shaqaynaya.
Sidoo kale, waa dal Muslim muxaafid ah oo taageersan reer galbeedka, waxaanay kalgacayl gaar ah u sii hayaan Biritayn oo soo xukumaysay 80 sanno ka hor intaanay xorriyadeeda siinin 1960-kii. Shan cisho ka dib hoggaamiyayaasheedii ayaa ku daray Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray ee koonfurta. Midawgaasi oo ay isla markiiba dhaqso uga shalleeyeen.
Dadka Somaliland waxa ay ka qaadeen han weynaan isku fillaanshaha lagu dirqiyay ama lagu riixay tan iyo markii ay gooni isu taageen.
“Guusha aanu gaadhnay waxa fure u ah maqnaanshaha saamayntii shisheeye”, Sidaasi waxa yidhi C/raxmaan M. C/laahi Guddoomiyaha wakiilada Somaliland.
Sheekada Somaliland waxa ka sii dhigay mid wax ku ool ah goobta ay ku taal iyo dalalka jaarkeeda oo ay ku jirto Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo had iyo jeer xasaradi ka taagantay xuduudooda, iyada oo ay mar gacmahaba isula tageen Itoobiya iyo Erateriya.
Sidoo kale, Yaman ayaa iyana isku dhalaashay. Haddaba iyada oo uu haatan sii kordhay aqoonsiga la siinayo waxqabadkeeda, ayaa qarankan afarta milayan ahi waxa uu dhayda ka caddeeyay in uu yahay dal xaqiijiyay in aanay kaalmadu ka shaqaynayn horumarka.
Somaliland taa beddelkeedii, waxa ay ku tiirsan tahay dakhliga cashuuraheeda oo ay xaqiijisay in ay horumarisay kana dhigtay hab siyaasadeed cad oo lagu xisaabtami karo marka la barbr dhigo dalal badan oo kale oo soo koroya oo ku tamariya kaalmada shisheeye.
“waxa la nooga tagay in aan ku tiirsanno khayraadka aan iska leenahay, wakhtigaasi waxa fursad la noo siiyay in aanu maamulanno arrimahayaga, ama jirin dalal kale oo aan ku tiirsanaa oo na siiyay kaalmo ama gacan”, sidaasi waxa yidhi Xuseen Cabdi Ducaale, wasiirka macdanta iyo biyaha.
Ma jeclaan lahaa inuu Xuseen imika arko gargaarkii oo soo butaaca?
“Ma ahi qof sidaasi u aamisan gargaarka shisheeye, imisa dal ayaa hore ugu maray kaalmada caalamiga ah. Ma aha qaacido (formula) horumarineed.”
Mid ka mid ahayd dayaaradihii dagaalka ‘Mig Jets’ ee burubriyay magaalada Hargeysa lafteedii,a yaa dusha sare laga saaray taallo ku taal badhtamaha magaalada, iyada oo ay gidarka ku taagan tahayna ku sawiran yihiin sawirro muujinaya dadkii ku waxyeeloobay.
Waxa uu ka soo laabtay Ingiriiska Khadar Xuseen, waxaanu yidhi “Waxa aan is weydiiyay waxa aan qaban karo, waxaanan go’aansaday in aan furo huteel,” waxa uu ka dhisay madaarka agtiisa, Huteel Ambassador’ oo ku kacay in ka badan hal milyan oo giniga Istaraliinka ah.
“Qof kastaa wuxuu moodayay in aan ahay nin waalan”, ayuu yidhi Khadar oo ah xildhibaan baarlamaan, “Hase yeeshee imika huteelkaygu waxa uu taageeraa 400 oo qoys.”
Drs Edna Aden oo kalkaalisada caafimaadka ku baratay London, waxa ay ka dhistay husbitaal dhalmada iyo carruurta ah Hargeysa, ka dib markii ay hawlgab ka soo noqotay (60 jir) hayadda caafimaadka adduunka (WHO) oo ay u shaqaynaysay. Waxa ay iibisay gaadhigeedii Mercedes iyo wixii ay keyd haysay iyo bisilkeedii, waxayna gelisay Maternity Hospital’ oo la furay sagaal sanno ka hor.
Cusbitaalka
Edna oo imika 74 jir ahi, waxa ay deggantay dusha sare ee cusbitaalka, waxaanay shaqaysaa saacad walba. Waxa kale oo cusbitaalku ka howgalaa oo uu diiradda saaraa inuu soo saaro hawlwadeeno caafimaad oo cusub iyo Pharmarcists.
Cisbitaalka Edna waxa uu ku tiirsan yahay laba dhakhtar oo shaqeeya waqti dhamaystiran iyo 17 kalkaaliso iyo umuliso. Iyada oo ay ka jiraan 369 kalkaaliso oo keliyi dalka oo dhan.
Haddaba haatan, waxa ay diiraddu saaran tahay sidii ay ugu guulaysan lahayd Somaliland aqoonsi caalami ah, kaasi oo u saamaxaya in ay u furmaan suuqyada maaliyadeed, isla markaana dhiirigelinaya maalgashiga ganacsatada shisheeye, rajada aqoonsi waxa sii xoogeeyay dhalashada dalka koonfurta Suudaan oo soo afjaray xayiraadii midawga Afrika saaray in la jebiyo xuduudihii hore ee gumaystayaasha.
“Aqoonsiga ayaa ah had iyo jeer ahmiyada koowaad”, sidaasi waxa tidhi Aamina-weris Sheekh Maxamed, marwada koowaad mar aan ku wada sheekaysanaynay madaxtooyada.
“Waxa aan la wada dagaalamaynaa cadaw isku mid ah, waxaanan wadaagnaa qiyam isku mid ah nabada, dimuqraadiyadda iyo binu aadamnimada. Waa in lana aqoonsadaa waxa aan wada qabsan karaa wax badan.”
Madaxtooyada waxa soo weeraray oo qarxiyay saddex sano ka hor Al Shabaab Soomaaliya. Waxa aan weydiiyay sababta ay u malaynayso in loo soo weeraray, waxayna tidhi iyada oo ilka caddaynaysa “Sababtu waxa ay tahay iyaga oo leh waxa aad la saaxiib tihiin dad aan Islaam ahayn”.
Waxa hubaal ah in la gaadhay wakhtigii aynu ka abaal celin lahayn saaxiibtinimadan ee aan aqoonsan lahayn guulahan la yaabka leh ee uu gaadhay dalkan geesinimada muujiyay.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com