Maxay Qabteen Wasaaradaha Duulista Hawada Iyo Maaliyaddu Sadexdii bilood ee la soo dhaafay?

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkii hore soo bandhigtay waxqabadkeedii sadexdii bilood ee la soo dhaafay ee u hirgalay Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah.

Waxaanu akhristeyaashayada u soo gudbinaynaa qormadii sadexaad ee waxqabadka xukuumadda, waxaanan ku soo qaadaynaa waxqabadkii wasaaradaha Maaliyadda iyo Duulista Hawada. Waxaanu warbixintii waxqabadkoodu u dhignaa sidan:-

Wasaarada Duulista Hawada

Madaaradda
Waxaa laga hirgeliyey Madaarada Dalka maamul wanaag, iyadoo lala dagaalamay musuqmaasuqii ragaadiyey Hay’adaha ka hawl-gala Madaarada. Taasi waxay sabab u noqotay inuu dakhligii Dawladu kordho labanlaab marka la barbar dhigo sannadkii hore.

Waxaa si rasmi ah looga mamnuucay dhammaan Madaarada Somaliland in Xafiisyada & Terminalada dhexdooda lagu isticmaalo Jaad iyo Sigaar.

Sidoo kale waxaa lagu soo rogay dhammaan Hay’adaha kala duduwan ee ka hawl-gala Madaarada Dalka oo ah muraayadda Qarankani leeyahay inay direys & aqoonsi u gaara yeeshaan si loogu garto hawl-wadeennimadooda

Iyadoo la fulinaayo ballan-qaadkii Xisbiga Kulmiye ee ahaa in shaqo abuuris loo sameeyo da’yarta reer Somaliland, waxay Wasaaraddu si rasmi ah u shaqaaleysay 73 qof oo u kala baxa sidan:-

a) Shaqaale ku meel gaadh ahaa muddo dheer oo dhan 39 qof,

b) Dhalinyaro Jaamiciyiin ah oo dhan 34 qof kuwaas oo Wasaaradda ku soo kordhiyey dar-dar cusub.

Mudadii gaabnayd waxaa la suura geliyey in tababaro iyo aqoon korodhsi loo
sameeyo shaqaalaha ka hawl-gala Madaarada.
Iyadoo Wasaaraddu fulinaysa siyaasadda Xukuumada ee ku saabsan tixgelinta shuruucda Dalka, waxay ugu horeyntiiba joojisay lacagtii aan sharciyeysnayn ee Wasaaraddu u qaadan jirtay (Navigation and Over fly charges).
sidoo kale waxaa Golaha Wakiilada la horgeeyey lana ansixiyey lacagta $ 3 ah ee
loogu talo-galay kharashyada adeegyada Madaarada, taas oo hore loo qaadi jiray
laba dollar oo ka mid ah, iyadoo aan xeer jideyn.

Iyada oo la dhiiri gelinaayo dhalinyarada iyo ciyaaraha waxay Wasaaraddu balaysintay sameysayna koox ku ciyaarta magaca Wasaaradda, taasoo ay maal-gelinteeda iska iska kaashadeen Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha.

8. Wasaaraddu waxay dayactir & dib u furis ku sameysay Madaarada Burco &
Boorama oo muddo xidhnaa, sidoo kale waxay gacanta Dawladda ku soo celisay
Madaarka Ceerigaabo, kaasoo hadda shaqeeya isaga oo qarameysan.

9. Waxay Wasaaraddu ku guuleysatay in deeq dhan $ 10 Milyan oo doller ay
Dawladda Kuweit uga soo hesho dhismaha & dayactirka Madaarada
Hargeysa & Berbera.
Heshiiskii deeqdaas markii qalinka lagu duugay, waxaa la bilaabay Mashruuca
wejigisii kowaad oo ahaa in daraasad sax ah iyo qiimeyn sugan lagu sameeyo
baahiyaha aasaasiga ah ee Madaarada Hargeysa iyo Berbera.

Mashruuca qeybta hore ee aynu kor ku soo sheegnay waxaa fulisay Shirkad
Kuwaitiyiin ah oo la yidhaahdo ( NARCO ), waxayna ku soo afjartay (4) bilood.
Haatanna si loo gudagalo wejigii labaad ee Mashruuca loona bixiyo qandaraaska, waxaa
Wasaaradda laga sugayaa in ay qeexdo waxa loogu qabanaayo lacagtaa deeqda ah.
Sidaa darteed, waxay Wasaaraddu mudnaanshaha baahideeda u astaysay sidan:-
1. Sameynta run-way cusub oo laga dhiso Hargeysa.

2. Deyr lagu sameeyo Madaarka Hargeysa
3. Deyr lagu sameeyo Madaarka Berbera
4. Navigetion Aid laga sameeyo Madaarka Berbera

Afartan Mashruuc oo lacagta ku baxaysaa ka badan tahay ta la innoogu deeqay, waxay
Xukuumadda Somaliland ka codsatay Dawladda Kuwait in deeqda la inoo kordhiyo.
Arrintaa jawaabteedana dhaqso ayaannu u filaynaa.

4.Wasaarada Maaliyadda

- Kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada 100%.
- Tir-tiristii fee lacagtii dugsiyada h/dhexe caruurta laga qaadi jiray.
-Kor-dhinta miisaaniyadda Wasaaradaha adeega bixiya iyo kuwa nabad-gelyada.
-Jaangoynta mushahaarooyinka madaxweynaha iyo m/weyne ku xigeenka iyo goleyaasha qaranka.
-Idaacada Qaranka.
-isku xidhka telefoonada dalka iyo lahaanshaha gate-way.
-Yaraynta cashuuraadka iyo dib-u-habayntooda.
-Xaraynta dakhliyaddii khasnada dawaladda baal mari jiray.
-Gudbinta xisaab xidhka.
-Bedelida lacagtii Gobolka Togdheer.
-Dhismihii biriijka.

Qorshaha Wasaaradda:
Waxa qorshaha noogu jira sannadkan in la bilaabo cashuur gadista baabuurta.
Cashuur gadista isgaadh-siinta, wershadaha laydhka iyo suparmarkts-

La soco….

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com