Wasiirka Deegaanka Iyo Horumaritna Miyiga oo ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay Duleedka Dhahar

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Md. Maxamuud Siciid Maxamed (Gacamay) iyo sadex qof oo kale ayaa shalay ku dhaawacmay ka dib markii baabuurkiisii uu kula qalibmay duleedka magaalada Dhahar oo 285 km dhinaca bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Shilkan oo ka dhacay meel 7 Km u jirta degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxa kale oo ku dhaawacmay dirawalkii Gaadhiga Wasiirka iyo laba askari oo ka mid ah ilaalada wasiirka.Wasiirka ayaa la sheegay in dhaawac ka soo gaadhay dhinaca madaxa waxaana loo soo qaadayaa dhinaca magaalada Ceerigaabo.
Shacbiga degmada Dhahar ayaa u soo gurmaday oo wax ka qaaday afarta qof ee ku dhawaacmay gaadhigaasi.Wasiirka waxa uu kormeer ku maray deegaamada bariga fog ee gobolka Sanaag, waxaana socdaalkiisa ku weheliyay Taliyaha ciidanka qaranka ee gobolka Sanaag Muuse Jaamac Balaf iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka qaranka.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Wasiirka iyo weftigu ay u socdeen sidii loo qaramayn lahaa ciidan beeleedyada deegaanka degmada Dhahar. Waxa kale oo ay u socdeen sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen xaalada Nabadgelyada iyo adeegyada bulshada ee deegaamadaasi.

Wasiirku shalay subax ayuu ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
\Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com