Madaxweynaha Somaliland Oo Dadweynaha Gabilay Kala Hadlay Fagaaraha Khayriyada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta fagaaraha khayriyada ee Gabilay kala hadlay kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha magaaladaasi ku dhaqan magaaladaasi.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dadweynaha reer Gabilay uga mahad celiyay codkii aqlabiyadda ahaa ee uu ka helay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee 2010-kii.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan dedaal u galayaan sidii ay u horumarin lahaayeen adeegyada bulshada ee gobolka Gabilay.


Md. Axmed Siilaanyo waxa uu dadweynaha gobolka Gabilay u soo jeediyay inay ilaaliyaan nabadgelyada isla markaana ay ka feejignaadaan dad uu ku tilmaamay inay leeyihiin dano gaar ah.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaan dawlada kooban ee uu dhisay aanay ka wada muuqan Karin dhamaan dadkii u soo olaleeyay oo dhami,balse bulshaddu ay codkooda ku bixiyeen inay helaan horumarin iyo adeegyo bulsho.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu dedaal dheer u galayo sidii Somaliland ictiraaf uga heli lahayd beesha caalamka.

Dhinaca kale, Weftigii Madaxweynuhu waxay maanta duhurkii u kicitimeen degmada Wajaale ee gobolka Gabilay.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com