Hoggaanka ku meel gaadhka ee UCID oo Xisbigii Ka Saaray Laba Xubnood oo Ka Tirsan Guddida Fulinta

Hargeysa (Somaliland.Org)-Hoggaanka ku meel gaadhka ah ee xisbiga UCID ayaa maanta sheegay inay xilkii ka qaadeen isla markaana xubinimaddii xisbiga ka saareen C/Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax) iyo Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo labaduba ka tirsanaa Guddida fulinta ee xisbiga UCID.

Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray Xoghayaha guud ee UCID Muuse X. Muxumed Guulleed (Muuse Inji), waxaanu u dhignaa sidan:- “Shir ay yeesheen Guddida Fulinta Xisbiga UCID maanta oo taariikhdu tahay 28th Juy 2011, oo uu shurgudoominayey Adan Maxamed Mire Waqaf , Gudoomiyaha KMG , waxay ka doodeen anshax marinta laba (2) xubnood oo ka tirsan Gudidda Fulinta ee Xisbiga oo ku kacay
• falalka xun-xun ee ka dhanka ah wadajirka bulshada iyo nabadgelyada dalka iyaga oo sameeyey kicin dadweyne soona werarary xarunta Xisbiga 27th July 2011
• ka qayb gal shir been abuura oo ay ugu yeedheen shirkii golaha dhexe iyagoo meel kaga dhacay xeerka xisbiga iyo shuruucdii u taalay.

Iyada oo la eegayo Qod. 8aad Faq. 3aad ee xeerka iyo qaab dhismeedka Xisbiga, dood dheer ka dib waxay go,aan ku gaadheen in CABDINAASIR YUUSUF CISMAAN( QODAX) iyo MAXAMED IBRAHIM AADAN (QABO) laga saaro Gudidda fulinta iyo xubinimada xisbiga UCID laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 28th July.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
\Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com