Faysal Cali Waraabe oo Ku hanjabay inay dacwad ku oogayaan Saxaafadda Waqaf u aqoonsata Guddoomiye

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyihii hore ee xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay dacwad ku soo oogayaan saxaafadda Aadan Maxamed Mirre Waqaf ku sheegta Guddomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID.

Faysal Cali Waraabe wuxuu ku adkaystay inuu isagu yahay wali gudoomiyaha xisbiga UCID, waxaanu tilmaamay inay Aadan Maxamed Mirre Waqaf uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ay ka qaadeen xilkii iyo xubinimadii xisbigaba.

Sidaasi waxa lagu sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo saaray Faysal Cali Waraabe oo u dhignaa sidan:-

“Aniga oo ah gudoomiyah Xisbiga UCID waxa maalmahanba socotay gudoomiye aan sharci ahayn magiciisuna yahay AADAN MIRE WAQAF oo xilkii gudoomiyaha xigeenka 1-aad ee ku meel gaadhka ahaa ee xisbiga UCID lagaga xayuubiyay xilkii iyo xubinimadiiba shirkii golaha dhexe ee sadexaad ee ka qabsoomay 26/7/2001 Magaalada
Hargaysa.

Hadaba saxaafada qaar keed inay ula macaamilaan sidii gudoomiye sharciya taas oo keeeni karta dhibaato nabad galyo xumo hadii qofkii kastaaba wuxuu isku magacaabo loo aqoon sado

Sidaas daraadedd waxaan idin ogaysiinayaa in wixii hada ka danbeeya saxaafada qorta in uu yahay gudoomiyaha xisbiga UCID ee ku meel gaadhka ah Aadan Mire Waqaf in aanu ku oogi doono dacwad sida sharciga waafaqsan.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com