Madaxwayne ku xigeenka oo furay shirwaynihii koowaad ee Wakaalada Qurba jooga

Hargasya (Somaliland.Org):-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Hoteelka Ambasador ee magaalada Hargaysaa furay shirweynaha koowaad ee Wakaalada Qurba jooga Somaliland.
Shirwaynahani oo ay soo qaban qaabisay Wakaalada Qurba jooga Somaliland,waxaana dhinaca dhaqaalaha ka caawiyay ururka jileyaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF, waxaana ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Somaliland,wasiiro ka tirsan xukuumada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyada,Wasiirka Qorshaynta Qaranka,Wasiirka Macdanta iyo Biyaha,Wasiirka Kalluumaysiga iyo masuuliyiin ka socday Wakaalada Qurba jooga, xubno ka socday ururka jileyaasha aan dawliga ahyn ee SONSAf iyo marti sharaf kale.
Madaxwayne ku xigeenka ka hadlay furitaankii shirweynahaasi ayaa sheegay in xukuumada hada talada dalka haysaa ay siyaasad cad ka leedahay arrimaha qurba jooga, u jeedada ay wakaaladan u sameeysayna ay tahay sidii ay qaranka uga caawin lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha iyo maalgashiga.
“Sida aad la socotaan xukuumadan maanta jirtaa si ka duwan xukuumadihii ka horeeyay ayay siyaasad cad ka leedahay arrimaha qurba jooga, anaga oo danaynayna in uu qurba joogu qayb weyn ka noqdo himilooyinka iyo horumarka qarankeenan curdinka,iyada oo ay tahay in ay nagala qayb qaataan dhinacyada dhaqaalaha,maalgashiga, fursadaha jira iyo in ay nala dhisaan qurba joogu Hay’adaha qaranka,dimuqraadiyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa cilmiga dadka iyo tiknoolajiyada maadaama oo ay qurba joogu yihiin dad waayo aragnimo fara badan kala soo noqonaya dibadaha iyo wadamada horumaray”. Ayuu yidhi Md Saylici.
Waxaa kale oo uu madaxwayne ku xigeenku xusay in qurba joogu ay taariikh mugleh ku leeyihiin dadka reer Somaliland isla markaana ay boqolkiiba afartan dadka nolshoodu ku tiirsan tahay qurba jooga waxaanu yidhi “Marka aan eegno doorka taariikheed ee ay qurba jooga Somaliland muddo dheer kaga jireen bad-baadinta iyo dhaqaalaynta bulshada Somaliland waxaan odhan karaa in ka badan boqolkiiba afartan (40%) in ay si toos ah iyo si dadbanba ay u saamayso dhaqaalaha ay u soo diraan dadkooda iyo maal gashiga ilaa hadda jira ee ay qurba jooga qaybo ka mid ahi ku talaabsadeen,waxaa hubaal ah haddii aynu si wada jir ah iskaga kaashano qurba jooga siyaasad cad oo dhiiri gelisa in aad u soo hilawdaan maalgashiga dalkiina in ay xukuumadu ku taamayso siyaasad cad oo dhiiri gelisa in aanu samayno , waxaa hubaal ah in maanta maal gashiga ama doorka ay qurba joogu ku leeyihiin in ka badan ka maanta jira uu iman doono”.
Waxaanu intaasi ku daray “Xukuumad ahaan waxaanu mar walba dhiiri gelinaynaa xoojinta xidhiidhka fiican ee qurba jooga iyo in aanu wanaajino, iskuna soo dhawayno, una fududayno hawlaha ay dalka u imanayaan dadka qurba jooga ahi, waxaan idinku boorinaynaa aqoon yahankiina iyo wax garadkiina in shirkani aad ka soo saartaan wax yaabo cuntama oo ummada Somaliland ku liibaanto.”

Guddoomiyaha Wakaalada Qurba jooga Somaliland Md Saleebaan Maxamed Faarax ayaa isna furitaakii shirweyaha koowaad ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga waramay waxyaabaha u qabsoomay Wakaalada muddadii ay jirtay, doorka ay qurba jooga Somaliland ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka iyo arrimo kale oo la xidhiidha waxqabadka Wakaalada Qurba jooga.
Guddoomiyuhu isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Wakaalada qurba jooga Somaliland oo ka turjumaysa siyaasada xukuumada eek u waajahan xoojinta, horumarinta, iskaashiga jaaliyadaha iyo doorka qurba jooga reer Somaliland isla markaana ka shaqaynaysa sidii himiladaa loo xoojin lahaa.Inkasta oo aanu ka mid nahay hay’adihii cusbaa eek u jiray xili yagleel ah iyo wakhti ay waxbadani xaddidan yihiin, waxaanu qorshaynaynaa sanadkan in aanu ku talaabsano dhawr qodob oo ay ku jirtay in aanu qaban-qaabino shirkan aynu u fadhino oo ah shirkii koowaad ee wakaalada qurba jooga Somaliland waxaanu rabnaa in waxyaalo fara badan oo aanu filayno xiligii aanu wadnay shirkan isaga ah siduu u qabsoomi lahaa waxyaabo badan oo gundhig u ah qaranka Somaliland in ay ka soo baxaan.
Waxaanu ognahay doorka waxtarka leh ee ay qurba jooga Somaliland ku leeyihiin guud ahaan taariikhda dalka marka loo eego kaalintoodii halganka,dib u dhiskii magaalooyinka inaga bur-buray iyo doorka muuqda ee ay maanta kaga jiraan koboco dhaqaale, siyaasadeed iyo dimuqraadiyada, hase yeeshee waxaa jira caqabado badan oo xanibaya doorka qurba jooga ka qayb galkooda horumarka qaranka dhinacyada kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo khayraadka dalka dhinacyada siyaasada,dimuqraadiyada iyo dhinacyada bulshada, kuwaasi oo haddii aanu ka gudbi lahayn uu doorka qurba joogu noqon lahaa mid intan ka sareeya oo dadwayne fara badan oo khayraad dhaqaale,mid xirfadeed, waayo aragnimo iyo ilbaxnimo sareba leh ay ku soo hiran lahaayeen dalkooda kana qayb geli lahaayeen fursadaha maalgashiga iyo wax soo saarka dihin ee dalkeena Jamhuuriyada Somaliland.Waxaa lagama maar maan ah in aan ka wada shaqayno sidii gudbi lahaa wixii caqabado ah ee ka jira iskaashiga qurba jooga Somaliland, si loo gaadho himilooyinka horumar ee dalkeenu tabanayo.”

Waxaanu intaasi ku daray guddoomiyuhu “Muddadii ay wakaaladu jirtay waxaanu ku dadaalnay ilaa imikana ku dadaalaynaa oo aanu ku hawlan nahay in aanu daraasadayno waxyaabo farabadan oo sees fiican u noqon kara siyaasada togan ee qorshaha saxda ah ee aan qaran ahaan uga baahanahay in aan ka yeelano arinta qurba jooga, taasi oo sahlaysa in la xaqiijiyo door waxtar leh oo qurba jooga Somaliland ka ciyaaraan maalgelinta dhaqaale ee dalka xirfada aqooneed iyo khibradooda oo aan ka faa’iidaysano isla markaana qurba jooga ay la kulmayaan rabitaanka dalkooda haddii ay joogaan iyo haddii ay maqan yihiinba” ayuu yidhi guddoomiyaha wakaalada qurba jooga.

Saleebaan Maxamed Faarax oo ka waramayay u jeedada shirka iyo waxyaabaha la filayo in ay ka soo baxaan waxa uu yidhi “U jeedada koowaad ee shirkan oo ah shir sanadeedkii koowaad ee wakaalada qurba jooga Somaliland ayaa ah in aan ka wada tashano mar labaad hababka ugu fiican ee loo dhiiri gelinayo iskaashiga qurba jooga oo ka badan kaalinta ay maantaba kaga jiraan siyaasada iyo dhaqaalaha dalka.Waxaan filayaa in shir sanadeedkan koowaad ee Wakaalada qurba joogu uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee ay abid yeeshaan iyaga oo ah wakaalad jirta oo madaxbanaan oo wadashaqayni ka dhaxayso Wasaaradaha Arimaha gudaha,qorshaynat Qaranka iyo wasaarado kale oo badan, loona baahan yahay in laga soo saaro natiijo waxtar u leh ama go’aan dhaxal gal ah oo aan ku gaadhno muddada labada maalmood ah ee uu socdo shirkani”.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com