Wasaarada Duulista Hawada Oo Soo Bandhigtay Waxqabadkeedii Sanadkii la soo dhaafay

Hargaysa (Somaliland.Org):-Wasaarada Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta Hotelka Ambasador ku soo bandhigtay waxqabadkeedii sanadkan. Munaasibadan ay Wasaarada Duulista Hawadu ku soo bandhigaysay waxqabadkeeda waxa ka soo qayb galay Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Qorsheynta, Mareeyaha Guud ee Mabdacada Qaranka,Shaqaalaha Wasaarada Duulista Hawada Iyo waliba Marti Sharaf kale. […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Madaxtooyada ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada Sare

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali, oo dhawaan Golaha Wakiiladdu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen. Madaxweynuhu waxa uu ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada sare dhaartii dastuuriga ah waxaanu guddoomiyuhu Madaxweynaha kaga daba dhawaaqayay ereyadan “Waxaan ILAAHAY ugu dhaartay inaan […]

Xukuumadda Somaliland Oo Iska Fogeysay inay ku lug leedahay khilaafka xisbiga UCID

“Guddoomiyaha UCID waxaanu ugu yeedhaynaa inaanu eedaasi kula soo galgalinin xukuumadda oo uu isagu odaynimo ku dhameeyo khilaafkaasi” “Waxaanu ugu yeedhaynaa Guddoomiyaha inuu dadka uu ka daayo dhawaaqyada dhiiladda ah” Hargeysa (Somaliland.Org)-Xukuumadda Somaliland ayaa si adag iskaga fogaysay eedo ka soo yeedhayay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku eedeeyay inay ku lug […]

Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka furista Ururada siyaasadda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ansixiyay Xeerka furashada ururadda siyaasada iyo wax ka bedelka xeerka doorashooyinka. Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somailand Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa madashada ka soo xaadiray 49 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Wakiilada, waxa ogolaaday 29 Mudane, waxa diiday 15 Mudane, waxa ka […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Marti-qaad balaadhan Madaxtooyada ugu sameeyay qurbo-jooga dalka ku sugan

“Waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii aad inta badan u soo halganteen” Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qurba-jooga Somaliland ee ka kala yimi daafaha dunida ugu sameeyey xarunta madaxtooyada martiqaad ballaadhan oo isugu jira casho-sharaf iyo soo dhawayn. Xaflad balaadhan oo qurba-jooga Somaliland lagu soo dhaynayey, ayaa waxa […]

Isuduwaha Caafimaadka Togdheer oo si kulul uga hadlay hadalo ka soo yeedhay Masuuliyiin

Burco(Somaliland.Org)-Isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka togdheer Dr.Cabdi Yaasiin, ayaa sheegay inaanay jirin wax gaadiid oo lacag laga lunsaday ama dacwado arintaas ku saabsan oo loo soo gudbiyaya xafiisyada wasaarada caafimaadka ee heer gobol ama degmo ee g/togdheer. Waxa Dr.Cabdi Yaasiin intaasi ku daray in hawlihii caafimaad ee wasaarada iyo WHO ,ka wadeen degaanka Caynaba ay ka […]

Faysal Cali Waraabe Oo Taageereyaashiisa u soo jeediyay inay joojiyaan rabashadaha

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay taageereyaashiisa inay joojiyaan mudaharaad rabshado watay oo ay maanta ka dhigeen degmada Maxamuud Haybe iyo meelo ka mid ah shaaricyada magaalada Hargeysa gaar ahaan xaruntii dhexe ee xisbigaasi oo haatan ciidanka Boolisku gacanta ku hayo markii labada garab ku hirdameen gacan ku haynteeda. “Waxaynu […]

Hoggaan cusub oo lagu doortay Shirweynihii Afraad ee SOLJA oo la soo xidhay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirweynihii afraad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa waxaana lagu doortay Hoggaan cusub. Shirweynaha afraad ee Ururka SOLJA waxa lagu doortay 15 Xubnood oo ah Gudida fulinta ee Ururkaasi, kuwaasi oo iyaguna iska sii dhex doortay Gudoomiye, Guddoomiye Ku Xigeen iyo Xoghaye […]

Gud/Dahabshiil oo Shaaca ka qaaday inay100 Kun oo dolar ku taakulaynayso dadka abaaraysan ee K/Somalia

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Mudane Maxamed Siciid Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday in deeq-horaad degdeg ah oo dhan boqol kun oo Dollarka Maraykanka ah Shirkaduhu gaadhsiinayaan dadka abaaraha darani ku tabaaleeyeen ee gobollada koonfureed ee Somalia, iyada oo qoondadii shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu weli aanay soo dhammaan oo ku xigi doonto. Guddoomiyaha oo xafiiskiisa kulan […]

“Somaliland waxa ay Tustay Afrika in aanay u baahnayn Malaayiinka aan ku Shubno

‘Waxa la Gaadhay Xilligii aynu Aqoonsan lahayn Dalkan Dhiirinaanta Muujiyay’ Wargeyska ‘Daily Mail’ ayaa daabacay qormo uu cinwaan uga dhigay ‘Somaliland: Mustacmaradii hore ee Britishka oo tustay Afrika in aanay u baahnayn Malaayiinkeenna dollar ee aan ku horumarinno’. Qormadan oo ku soo baxday wargeyska toddobaadkii u dambeeyey waxa qoray suxufiga ‘Ian Birrell’ oo dhawaan booqasho […]

Maamulka Gobolka Salal oo Saylac kula kulmay saraakiil ka socday dalka Jabuuti

Hargeysa (Somaliland.Org)- Badhasaab ku xigeenka gobolka Salal Cali Alaalle Rayaale ayaa maanta kulan balaadhan kula yeeshay magaalads Saylac masuuliyiin iyo saraakiil ka socday dalka Jabuuti. waxaa kulankaasi ka soo qeyb galay masuuliyiin ka kala tirsan laamaha dawladda ee labada dal sida ciidamada, wasaaradaha iyo Haayadaha sirdoonka. Shirkan ayaa lagu falan-qeeyay sidii xidhiidhka labada dal loo […]

Maxay Qabteen Wasaaradaha Duulista Hawada Iyo Maaliyaddu Sadexdii bilood ee la soo dhaafay?

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkii hore soo bandhigtay waxqabadkeedii sadexdii bilood ee la soo dhaafay ee u hirgalay Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah. Waxaanu akhristeyaashayada u soo gudbinaynaa qormadii sadexaad ee waxqabadka xukuumadda, waxaanan ku soo qaadaynaa waxqabadkii wasaaradaha Maaliyadda iyo Duulista Hawada. Waxaanu warbixintii waxqabadkoodu u dhignaa sidan:- Wasaarada Duulista Hawada Madaaradda Waxaa […]

Itoobiya Iyo Somaliland Oo Kala Sexeexday Heshiis Iskaashi Oo Amniga La Xidhiidha

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland iyo Dawlada deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis iskaashi oo la xidhiidha dhinaca amniga, waxaana la sii daayay gaadiid ka tagay Somaliland oo ku xidhnaa Itoobiya. Heshiiskan waxa u saxeexay Itoobiya Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Cabdi Muxumed Cumar halka Somaliland-na uu qalinka ugu […]

Dadweynaha Gabilay oo Taageeradooda xukuumada sanad jirka ah ku muujiyay soo dhawaynta Madaxweynaha

Gabilay (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gabilay ee xarunta Gobolkaasi. Madaxweyne Siilaanyo waxaan si aan kala hadh lahayn ugu soo dhaweeyay magaalada Gabilay Kumanaan qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolkaasi waxaanu lugeeyay magaalada dhexdeeda masaafo ku dhow 1 Km iyo badh waxaanu […]

Madaxwayne ku xigeenka oo furay shirwaynihii koowaad ee Wakaalada Qurba jooga

Hargasya (Somaliland.Org):-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Hoteelka Ambasador ee magaalada Hargaysaa furay shirweynaha koowaad ee Wakaalada Qurba jooga Somaliland. Shirwaynahani oo ay soo qaban qaabisay Wakaalada Qurba jooga Somaliland,waxaana dhinaca dhaqaalaha ka caawiyay ururka jileyaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF, waxaana ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Somaliland,wasiiro […]