Is-barbardhigga Saamiga Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco ku Leeyihiin Xukuumadda Silanayo

Haddaba, si xaqiiqadda iyo runta loo ogaado, waxaan halkan dadweynaha ugu soo bandhigaya shax muujinaysa tiradda masuuliyiinta sare xilalka ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka soo jeeda qaar ka mid ah beelaha dega galbeedka Burco ee Gbolka Togdheer, shaxdaasi oo baadhitaanno badan oo aan si iskay ah u sameeyey ku soo ogaaday, isla markaana ku xaqiijiyey inay saxtahay, aniga oo la kaashaday saaxiibbo muhiim ah oo aan dawladda ku leeyahay.

Shir Lagaga Hadlayay in baadhis lagu Sameeyo maxaabiista buux-dhaafisay Jeelasha Hargeysa iyo Mandheera Iyo Guddi loo magacaabay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shir balaadhan oo la xidhiidhay sidii loo kala fududeyn lahaa jeelasha Hargeysa iyo Mandheera oo ay ku jiraan maxaabiis badani ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada cadaalada Somaliland. shirkaasi oo albaabadu u xidhnaayeen waxa ka soo qeyb galay Maxkamadaha, Xeer ilaalinta, Ciidanka Asluubta iyo Booliska. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid, […]

Xukuumadaha Somaliland Iyo Itoobiya oo kala saxeexday Heshiis Iskaashi oo Nabadgelyada ku saabsan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wefti uu Hoggaaminayay oo socdaal shaqo oo qaatay muddo laba maalmood ah ku tagay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ayaa galabta ku soo laabtay dalka markii ay kulamo la yeesheen wasiirka amniga ee dawlada Itoobiya, Madaxweynaha kililka shanaad iyo saraakiil ka tirsan milatariga dalkaasi. […]

“Waxaan Jecelahay Madaxweyne inaan arko rag ka mid ah dhalinyaradan oo kursigaaga soo fadhiistay”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Ha’yada SOS Helmut Kutin, ayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany) ayaa uga waramay ahmiyada xaruntan daryeelka iyo waxbarista carruurta ee loogu magac daray tuullada carruurta ee SOS u leedahay dalka. Helmut Kutin, oo ka hadlayay xafladii furitaanka xaruntan waxa uu la kaftay madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaanu yidhi “Anigu waxaan ahay […]

Rayaale oo ku Dhici la’ inuu Cayimo Shirweynihii UDUB iyo Wasiiraddisii oo Mashquuliyay Gurigiisa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa ku guul daraystay inuu cayimo shirweynaha saddexaad ee xisbigaasi yeelan doono, waxaana guddoomiyaha xisbigaasi Md. Daahir Rayaale Kaahin oo dalka ku sugnaa toboneeyo cisho uu ku dhici la’ yahay inuu guddo galo magacaabista xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi. Madaxweynihii horena, ahna guddooiyaha xisbiga UDUB, Md. Daahir Rayaale […]

Wasiirro Kormeer ku Tagay Jid Toos iskugu xidhaya Burco iyo Hargeysa

Burco (Somaliland.Org)- Wasiiradda xanaanada xoolaha Cabdi Aw Daahir iyo Duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno ka tirsan guddida horumarinta gobolka Togdheer ayaa maanta kormeer xaqiiqo raadis ah ku soo maray jidka cusub ee isku xidhaya Burco iyo Hargeysa, kaasi oo binadiisu dhawaan bilaabatay. Guddiga ka hawlgalaya dhismaha jidkan oo ah guddida iskaa wax u […]

Xukuumadda Oo Ka Hadashay laba Nin oo Afduub Loogu Haystay Itoobiya Oo Soo Gaadhay Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumada ayaa sheegtay in laba nin oo Itoobiyaan ah oo ka shaqeeya Ha’yada WFP oo bishii hore lagu afduubay deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay soo gaadheen Somaliland, markii ay ka soo baxsadeen afduubeyaashii haystay, kuwaasi oo dib loogu celinayo dalkoodii. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Hambalyo u diray shacbiga Jabuuti

Hargeys(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga dalka Jabuuti ku bogaadiyay xuska sanad guuradda 34-aad ee ka soo wareegtay markii dalkaasi xornimada ka qaatay sanadkii 1977-kii dalka Faransiiska. Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku sheegay war saxaafadeed xalay ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( […]

Kulan Lagaga Hadlayay Xalinta Khilaafaadka Oo lagu qabtay Ceerigaabo

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Kulan balaadhan oo lagag hadlayey xalinta khilaafaadka iyo Maaraynta oo loo qaybtay indheergaradka, Cuqaasha iyo Salaadiinta Gobolka Sanaag, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Kulankan oo ay soo qaban qaabiyey Jaamacada Geeska, waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Sanaag, Masuuliyiin ka socota jaamacada Geeska iyo qaar […]

Magacyada 7-da Xubnood ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Oo maanta Golaha Wakiiladu Ansixiyay

Hargeysa ( Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay 7-da xubnood ee Komishanka xuquuqul insaanka qaranka oo dhawaan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u gudbiyay aqalka wakiilada. Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. C/Casiis Maxamed Samaale waxa ka soo xaadiray madasha 50 Xildhibaan oo ka mid […]

Maareeye Ku Xigeenka Madbacada oo Soo dhaweeyay Go’aamada shirkii Widh-widh

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maareeye Ku Xigeenka Madbacada qaranka Somaliland Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa soo dhaweeyay heshiiska hordhaca ah ee maanta lagu kala saxeexday shirnabadeedkii dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday degmadaasi. “Waxaan hambalyaynayaa shirka nabadda ee Widhwidh go’aamada ka soo baxay ee heshiiska hordhaca ah, waxaanan qabaa inay tahay guul u soo […]

Heshiis shilis oo dhamaystir u baahan ..Faallo: Cumar M. Faarax

Waa natiijo bilow wacan u ah dedaalka xukuumadan 11 bilood jirka ah, waxa cagta la saaray wadiiqo siyaasadeed oo Somaliland ka baajinaysa in dhiig ku daato qaybo ka mid ah gobolada dalka. Siyaasadda madaxweyne Siilaanyo ayaa gundhigeedu yahay in wada hadal lagu soo afjaro tabashada muwaadiniinta ka soo jeeda gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari […]

Dhalinyaro Taageera UDUB Oo Shahaahdo Sharaf Siiyay Madaxweynihii hore

Hargeysa (Somaliland.Org)– Dhalinyaro xisbiga UDUB taageera ayaa maanta shahaado sharaf gudoon siiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxaanay sheegeen inuu shahaahdo sharaftaasi ku mutaystay sidii uu dalka uga hirgeliyay afartii doorasho ee dalka ka dhacay tan iyo markii Somaliland ay qaatay hanaanka dimuqraadiyada. “Waxa maanta oo Axad ah […]

Go’aamo Hordhac ah oo Lagu Kala Saxeexday Shirweynihii Nabadeynta ee Widh-widh

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland iyo ergooyinka beelaha dhulbahante iyo garabka hubaysan ee SSC ee ka qeyb galay shirweynaha nabadda ee Widh-widh, ayaa maanta si ramsi ah u kala saxeexday heshiis hor dhac ah oo ka kooban 8 Qodob, si loogu gudbo wajiga labaad ee wadahadalada shirweynaha nabadeynta. Heshiiskan hordhaca ah waxa saxeexay dhinaca Xukuumada Somaliland […]

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Soo Bandhigay Rasaas iyo Hub ay ku qabteen Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa maanta ku soo bandhigay xafiiskiisa rasaas, qoryo iyo bilaydhada taarikada baabuurta oo Ciidanka Boolisku ku soo qabteen guri ku yaala xaafada New Hargeysa ee bariga magaalada Hargeysa. Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in walxahan ay qabteen ay iskugu jiraan rasaas tiro badan, Lambarada […]

Madaxweynaha Oo shacbiga Ku Bogaadiyay 51 Guurada Ka soo wareegtay xornimada Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa manta dhambaal hambalyo ah u diray shacbiweynaha Somaliland gudo iyo dibadba sanad-guurada 51-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay mustacmaradii Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-kii. Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada […]