Gaaskii Diyaaradaha Oo Berbera La Keenay Markii Uu Maalmo Ka Go’naa

Berbera (Somaliland.Org) – Gaaska Diyaaraddaha oo maalmihii ugu danbeeyay ka go’naa dalka ayaa maanta gaadhay Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera.

Gaaskan oo sidda warku sheegay si weyn loo suguyay ka dib markii uu
kalla go’ ku yimi markii xukuumadda Somaliland ay tirtirtay Heshiiskii
lagula jiray Shirkadda Total. Ayaa waxaa geeyay Berbera ganacsade
Cawil Cawl Cabdillaahi oo sidda uu sheegay ay gudidii loo xil-saaray
in ay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira haamaha iyo Madaxda Gobolka
Saaxil ka dalbadeen in uu daboolo baahidda loo qabo gaastan cad ee ay
isticmaalaan Diyaaraduhu inta ka horeysa tartan loo dhigi doono
shirkadaha Ganacsiga ee Somaliland, sidaasna ay ku keeneen iyaga oo
dhawaana ka qeyb gali doona tartan ay qaban doonaan gudida
qandaraasyadda qaranka oo loogu tartamayo cidda keenaysa gaastan cad
ee diyaaradaha sidda uu saxaafada u sheegay Cawil Cawl Cabdilaahi.
Gaastan oo ganacsadduhu ka keenay sidda uu sheegay deg-deg looga
dalbadday dalka Djibouti ayaa warku sheegay in shalayba lagu shubay
Haamaha Kaydka Shidaalka.

Cawil Cawl waxaa uu sheegay in shirkadaha diyaaradah ee Macaamilka la
leh garoonka diyaaradaha ee Berbera ama garoomadda kalle ee dalka iyo
cid kasta oo Daneynaysa gaasta cad ee diyaaradaha ay kaga iibin
Doonaan qiime aad uga jaban qiimihii ay siin jirtay Shirkada Total ee
imika laga caydhiyay fara ku haynta Haamaha iyo iibka shidaaladda ay
keenaan Ganacsatada reer Somaliland iyo Totalba, waxaana hadaladdii
ganacasadde Cawil Cawl ka mid ahaa Sidan “Marka hore, waxan u mahad celinayaa qoladiinan saxaafadda ee maanta (Shalay) halkan nagu soo
booqatay, Marka labaad waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo
Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo dhamaan Xukumada Somaliland, waxa anaga nasoo wargalisay gudidii loo xilsaaray inay wax ka qabtaan baahiyaha
haamaha, waxaanay nagu wargaliyeen gudidaasi in uu kala go’anyay
gaasta ay isticmaalaan diyaaraduhu ee loo yaqaan Oil Jet 1, waxaanay
guddidaasi naga codsadeen in aanu si dag-daga u keeno gaastaa
diyaraadaha ee Oil Jet 1. Dabadeetana anaga oo kaabayna go’aankii
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaanu amarkii Gudida Qaadanay,waxaana aanu markiiba ka dalbanay booyadihii keeni jiray, waxaananu ka dalbanay halkii laga dalban jiray oo ah dalka aynu Jaarka nahay ee Jabuuti, waanad aragtaan oo waataa la shubayo booyadihii, ta kalle waxa iyana nagu dhiiri galiyay in aanu keeno gaastan gudida
qandaraasyada qaranka oo iyana yidhi sii waDda hawshaa keenista gaasta diyaaradaha hadhawna waxaad ka mid noqonaysaan shirkadaha galaya tartanka loo yaqaan(Bidh),laakiin immika waxa aanu sii kifeynaynaa oo aanu qoraal ku haysanaa in aanu kala go’in gaasta diyaradaha ama aan laga waayin garoonka diyaaradaha ee Berbera gaasta loo yaqaan nooceeda Oil Jet1, waananu wadaynaa illaa inta ay gudida Qandaraasyad da qaranku qabanayaan tartankaa oo aanu ka qeyb-gali doonno haddii ilaahay
yidhaa.” Ayuu yidhi.

Gaastan oo ay siddeen booyado ka soo daabulay dalka Jabuuti, waxaa
hawshoodda shubista Gaasta diyaradaha bilaabay shaqaalihii caadiga
ahaa oo waqtigan ka mid noqday shaqaalaha Dawlada ee haamaha, halka ay markii hore ahaayeen shaqaale shirkadda gaar ah u shaqeeya.
Dhinaca kalle shirkadaha diyaaradaha ee macaamilka la leh garoonka
Berbera ayaa iyaguna soo dhaweeyay talaabadan loogu keenay Gaasta.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com