Maayarka Gabilay Oo Jawaab Ka Bixisay Dhaliilo Loo Jeediyay Xukuumada KULMIYE Ka Dhalatay

“Waxaan leeyahay inteenii u codaysay dawlada aan laba xisaabtannee bal kuwa aan u codayn ee u baanaya aan la hadalno”

“Waxaan leeyahay codkii reer Gabilay ma aha tacab ba’aye ee waa tacab baxay”

Gabilay (Somaliland.Org)- Ku Simaha Maayarka Gabilay ahna Maayar Ku xigeenka Magaaladaas Marwo Khadra Xaaji Gaydh, ayaa jawaab kulul ka bixisay dhaliilo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada iyo odayaal kale oo reer Gabilay ahi u jeediyeen xukuumada oo ay ku tilmaameen in codkii ay siiyeen ay ku khasaareen.

Ku simaha Maayarka Gabilay waxay sheegtay in dawlada ka dhalatay xisbiga KULMIYE oo ay ka tirsan tahay ay guulo badan ka gaadhay himilooyinkii laga filayay ee horumarinta dalka.

Marwo Khadra Xaaji Gaydh waxay intaasi ku dartay in aanay haboonayn cidii tuhun musuqmaasuq galo in lagu difaaco reernimo, waxaanay bulshada Gabilay u soo jeedisay haddii iyada lagu eedeeyo musuqmaasuq Inaanay difaacin.

“Waxaanu aragnaa dad aan KULMIYE ahayn una codayn oo dawladii u baanaya oo leh codkii aanu reer Gabilay ahaan ku siinay xagee buu maray, runtii reer Gabilay KULMIYE cod umay siinayn in shakhsiyaad lagu difaaco, dawlada waxa codka loo siinayay waxa la doonayay in is bedel dhab ahi dalka ka hirgalo tiina way dhacday waxaan idiin sheegi karaa in ardaydii dugsiyada hoose/dhexe ee fiiga lagu soo eryi jiray bilaash laga dhigay oo ILAAHAY mahaddii xisbiga tallada haya iyo dawladiisu way inaga furteen culayskaasi. Waxa kale oo aynu ognahay in ciidamadii iyo shaqaalihii dawlada Mushaharooyinkii loo kordhiyay. Mashaariic kale oo dalka laga fuliyayna way jiraan,”ayay tidhi Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo maanta ka hadlaysay xaflad balaadhan oo Magaalada Gabilay ay xilkii kula kala wareegayeen badhasaabkii hore Rashiid Cumar Sh. Muxumed iyo Cali Aw Aadan Meecaad.

Maayarku waxay sheegtay inay jiraan dad aan KULMIYE ka tirsanayn una codayn oo dawlada ugu baanaya codkii ay ka heshay gobolka Gabilay iyadoo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Isbedel doonka reer Gabilay bulsho weynta Somaliland ayay la qabtay Gabilay cod badan ayay dawladan siisay, dawladii iyo xisbigiina way u ogyihiin Gabilay abaalkii, waxaan leeyahay bal horta inteenii u codaysay dawlada aan laba xisaabtannee bal kuwa aan u codayn ee u baanaya aan la hadalno.”

“Waxaan leeyahay rag maalin dhawayd hadlayay oo lahaa codkii reer gabilay wuu ba’ay , waxaam leeyahay codkii reer Gabilay ma aha tacab ba’aye ee waa tacab baxay, waxaan leeyahay waa inaynu qirno waxqabadka dawlada inta inaga dhimana waynu qabsan doonaa haddii ALLE yidhaahdo,”ayay tidhi Maayarka Gabilay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com