Hargeysa: Madaxtooyada oo Raashin u qeybisay 100 qoys oo danyar ah

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xafiiska Samofalka u qaabilsan Madaxtooyada Somaliland ayaa raashin gaadhsiiyay boqol qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan xaafada Maxamed Mooge ee degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Maareeyaha xafiiska samofalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo boqolkaa qoys ee danyarta ah u qaybisay raashin iskugu jira Timir iyo Daqiiq, ayaa sheegtay inay ka go’an tahay Xukuumaddan uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) in dadka danyarta ah ee reer Somaliland iyo kuwa kale ee danyarta ee ku sugan dalka ay intii awoodeeda ah wax la qabato, islamarkaana xafiiskan samafalka abuuritaankiisa ay taasi ka dambaysay.

Maareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo dadkaasi danyarta hadal kooban u jeedisay waxay tidhi “Goobtan aynu joognaa degmada Maxamuud Haybe gaar ahaan xaafada Maxamed Mooge oo aanu boqol qoys oo danyar ah ugu qaybinayna raashin ka mid ah Timir iyo Daqiiq, Insha Allaah waxaan Ilaahay uga baryayaa qoysaskaa danyarta ah inuu Ilaahay isaga ayay gacantiisa ballaadhan tahay ku arsaaqo, waan garan karaa in in dadkaa ilaa saaka bacadkaa fadhiyey ma mudna in intaa yar loogu yeedho, laakiin kolba wixii la hayo ayay xukuumadayadani samafalku uu ka jawaabayaa maadaama hadaanu xukuumada nahay aanu ku nimid isbadalkii dadka iyo codkii dadka waxaanu jeclaysanay inaanu dadkayaga kala qaybgalo danyarta ah maalinba meeshii tabaalo taalo”
Maareeyaha Xafiiska samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye waxay sheegtay in xukuumadan ay dadku isugu mid yihiin xisbiga uu doono ha ka soo jeedee, islamarkaana aan look ala eegayn “Xukuumadan Kulmiye kasoo jeeda dadku waa iskugu mid sidii xukuumaddii hore maaha ee kani maaha Udub odhan jirtay, Kulmiye dadku waa dadkiisii, markaa annaga xukuumad ahaan barnaamijka samafalka dadku waa isku mid, xafiiskana danyarta iyo xukuumadda inuu u xidhiidhiyo ayaa loo sameeyay”
Marwo Aamina Maxamuud Diiriye iyada oo la hadlaysa guddida xaafada waxay tidhi “Guddida xaafada waad mahadsan tihiin doorka aad ka qadateen hawshan, balse waxaa la idiinka baahan yahay inaydaan dadka u eegin inta aad garanaysaan iyo guriga kugu xiga ee waa inaad dar Ilaahay u soo qortaan dadka jilicdasan iyo danyarta ee baahan, taas ku dadaala”
Dhinaca kale Maareeyaha xafiiska samafalka u qaabilsan Madaxtooyada marwo Aamina Maxamuud Diiriye waxay booqtay xafiiska guddida dadka ka soo barakacay Somalia eek u dhaqan xaafada Maxamed Mooge, iyada oo halkaa warbixin ka dhagaystay guddida xaafada iyo xunbo ka mid ah dadka dagaalada Somalia ka soo qaxay oo sheegay, in Somaliland dawlad iyo shacaba si weyn loo soo dhaweeyay, islamarkaana dhinaca nabadgalyada iyo wax walba lala qabtay. Waxaanay amaan u soo jeediyeen dhamaan shacabka Somaliland iyo ciidamada amaanka.

Intaa ka dib marwo Aamina Maxamuud Diiriye ayaa u sheegtay, in ka xukuumad ahaa sidii horeba ay wax u la qaban jireen dadka ka soo qaxay Somalia ay xukumadani wax ula qabanayso, iyada oo xustay in dadkaasi iyagana dhinacooda looga baahan yahay in xaga nabadgalyada wixii saabsan ay kala shaqeeyaan xukuumada, islamarkaana wixii ku saabsan barnaamijka samafalka xukuumadu xooga saari doonto.

Siciid Cabdi Gaboobe oo ka mid ah masuuliyiinta barnaamijka samafalka oo halkaas hadal kooban ka jeediyay, waxa uu yidhi “Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxmuud Diiriye ayaa maanta gudoominaysa barnaamijkii uu xafiisku soo bandhigay ee caawinta dadka danyarta ah, xafiisku sided bilood buu jiray barnaamij weyn buu qabtay muddadaa uu jiray laga bilaabo Adxadii hore, hadafka xafiiskan waxa loogu talo galay dadka danyarta ah in la caawiyo oo lixda gobol ee Somaliland, imikana waxaanu joognaa xaafada Maxamed Mooge oo boqol qoys oo danyar oo ka mid ah danyarta ayaa raashin lagu caawinayaa oo Marwo Aamina Maxamuud Diiriye idin gudoonsiin doontaa.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hatrgeysa
cumarmfaarax@hotmail.com