“Go’aanka Guddoomiyaha Golaha Dhexe Waa Mid Isaga Uun Ku Kooban oo aan sharci ahayn”

Hargeysa (Somaliland.Org) Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan
Cigge ayaa daadifeeyay sharciyadda guddi Gudoomiyaha golaha Dhexe ee
Xisbiga KULMIYE iclaamiyay Sabtidii.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md.
Jaamac Ismaaciil Cigge, ayaa sabtidii magacaabay guddi ka kooban 10
xubnood oo soo agaasinta shirka Golaha dhexe ee xisbigaasi oo hore
loogu mudeeyay inuu Magaalada Hargeysa ka qabsoomo 6-da Bisha June ee
fooda inagu soo haysa. Hase ahaatee, guddigan ayaa waxaa uu dhaliyay
buuq laxaad leh. Waxaana markii koowaad waxba kama jiraan ku tilmaamay
guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Siddoo kale, warsaxaafadeed uu soo saaray maanta Xoghayaha guud ee
Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cigge ayaa waxaa lagu naqdiyay guddigaasi.
waxaanu dhignaa siddan “Waxaa dhawaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iclaamiyey, saxaaafaddana
ku sheegey inuu qabanayo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye
bisha Juun 6-da. ee sannadkan. Haddaba waxaanu halkan ku cadddeynayaa
in go’aanka Guddoomiyuhu uu yahay mid aan kasoo bixin Hogaanka
Xisbiga Kulmiye balse uu yahay mid isaga u gaara oo aan cid kale la
ogeyn.
Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa in qabashada Shirweynaha
Xisbiga, kan Golaha Dhexe ama kan Guddiga Fulinta uu leeyahay qaab iyo
hab loo raaco oo ku salaysan dastuurka iyo Xeererka Xisbiga, kaasoo
leh hab loo raaco. Marka hore ajandaha shirarka waxaa ka wadda hadla
Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana soo diyaariya Xoghayaha Guud ee
Xisbiga. Ka dibna waxaa laga iclaamiyaa warbaahinta goorta la qabanayo
iyadoo la dhowrayo inuu tiradii, Qourumku) la rabay la helayo. Dhinaca
kale marka la qabanayo Shirweynaha Xisbiga waxaa awood u leh inuu
magacaabo Guddiga Qabanqaabada Guddoomiyaha Xisbiga isagoo ka
ansixinaya xubnaha Guddiga Fulinta. Waxaa kaloo muhiima in la ogaado
inu xilka Guddoomiyaha Golaha Dhexe uu ku kooban furidda iyo xidhiga
Shirka, hagida fadhiyada, socodsiinta shirka iyo dejinta khilaafaadka
ka dhasha muddada ay shirarku soconayaan. Waxaa kaloo aanu halkan ku
caddeynaynaa inaanu Guddoomiyaha Golaha Dhexe aanu xubin ka aheyn
Guddiga Fulinta ee Xisbiga oo ka kooban 35 xubnood, hase-yeeshee uu
xubin ka yahay Golaha Dhexe ee Xisbiga.
Sidaasi daraadeed ayaanu awood u laheyn inuu gaadho go’aan kaligii ah
iyadoo aanay ogeyn Hogaanka iyo Gudddiga Fulinta ee Xisbiga oo uu
Guddoomiyaha Xisbigu madax ka yahay.
Haddaba waxaanu warsaxaafadeedkan ku caddeynayaa in tallaabada uu
qaaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ay tahay mid kaligii u
gaara, awoodna aanu u laheyn inuu kaligii go’aan ka gaadho qabashada
Shirka Golaha Dhexe iyadoo aanu wadatashi iyo kalsooni ka haysanin
Guddiga Fulinta ee Xisbiga.

Hoggaanka Xisbiga wuxuu hadda ku hawllan yahay siddii loo qaban lahaa
shirka Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana ilaa hadda la qabtay seddex
kulan oo loogu gogol xaadhayo qabashada shirka Golaha Dhexe iyadoo
hawlgelintiisa ay ka wada socdaan Hogaanka Xisbiga iyo Xukuumadu.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com