Wasiirka Xoolaha oo sii Sagootiyey Shan Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Urur Goboleedka IGAD

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dufcadii ugu horreysay oo ka kooban shan arday oo deeq waxbarasho oo dibadeed oo caafimaadka xoolaha ah ka helay urur gobolleedka IGAD, ayaa ka dhoofay maanta garoonka magaalada Hargeysa.

Shantan ardey oo ka qallin-jebiyey kulliyada caafimaadka xoolaha ee Sheekh, ayaa u duulay dalka Ugandha, waxa halkaas ku sii sagootiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Cabdi Aw Daahir iyo saraakiil kale oo ka socday kulliyada xannaanada xoolaha ee Sheekh.

Dr. Cabdi Aw Daahir oo hadal kooban halkaas uga jeediyey intii aanay ardeydu ka dhoofin garoonka, ayaa kula dardaarmay inay si mug leh uga faa’iideystaan fursadan deeqda waxbarasho ah, isagoo carrabka ku dhuftay in mashruucan oo uu maalgeliyey urur gobolleedka IGAD uu wax weyn ka tari doono horumarinta dhinaca caafimaadka xoolaha Somaliland.

“Shantan dhakhtar waxay ahaayeen ardeydii ka qallin-jabisay dugsiga Xannaanada Xoolaha ee Sheekh, iyagoo ahaa ardeydii ugu dedaalka badnaa waxay macallimiin ka noqdeen dugsigaas. Waxaanan ku hambalyeynayaa inay iminka nasiib u heleen waxbarasho saddex sanno ah oo caafimaadka xoolaha ah ay Jaamacadda dalka Ugadhna ee Makerere wax ku soo bartaan.”

Wasiirka oo la dardaarmayay ardaydaasi wuxuu yidhi “Waxaan idin markaa idinkula dardaarmayaa inuu noqdo sawirka aad jaamacadaas iyo dalkaas la tagtaan mid metelaya dadkiina iyo dalkiina aad ka tagteen, waa inaad diintiina iyo dhaqankiina wanaagsan idinka doorsoomin. Tusaalaha wanaagsan ee aad halkaas ka samaysaana waa inuu horseed u noqdo in dhakhaatiir kale oo reer Somaliland ahi ka soo faa’iideystaan, waxaan idinku adkaynayaa markaad wax soo barataan inaydaan noqon kuwo aqoontay soo bartaan meelo kale ula kaca, balse aad noqotaan kuwo dalkooda iyo dadkoodaba wax ugu qabta.”

Shukri Jaamac Geelle oo ah gabadha kaliya ee jaamacadda Makerere deeqda waxbarasho ka heshay ayaa ballanqaaday in ay dalkeeda wax weyn kaga qaban doonto aqoonta caafimaad ee xoolaha ee ay ka soo barato jaamacadaas, sidoo kale Cabdirisaaq Maxamed Axmed, ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay jaamacadaas ay nasiibka u heleen.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com