Wasiirka Caafimaadka oo Ka Hadlay Shirkii 64-aad ee Caafimaadka Adduunka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa maanta dalka ka soo laabtay ka dib markii magaalada Geneva ee dalka Swizerland kaga qeyb galay shirkii 64-aad ee wasiirrada caafimaadka adduunka.
Wasiirka caadimaadka oo ka hadlayay shirkaasi waxa uu yidhi “Waxaan safar shaqo ku tagay Geneva oo ah shir sanadle ah oo ay iskugu yimaadaan wasiirrada caafimaadka ee adduunka waxaanu ahaa shirkii 64-aad ee caafimaadka adduunka, waxaana lagaga wada hadlaa caqabadaha jira, dhibaatooyinka dal walba ka jira ee dhinaca caafimaadka waxaana la isku weydaarsadaa waayo aragnimada iyo macluumaadka.shirkaasi muddo sideed cisho ah ayuu socday wax badanna waa lagaga hadlay oo ay inoogu jiraan wax badan.”
Wasiirka caafimaadku waxa kale oo uu xusay inuu tagay dalka Jarmalka oo uumagaalada Boon Jaaliyada Somaliland ee wadankaasi kala qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay dabaal degii munaasibadii 18-ka May ee labaatan guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.
Waxa uu sheegay inuu dalka jarmalka kula kulmay masuuliyiin ka tirsan wasaarada caafimaadka oo uu kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen adeegyada caafimaadka dalka.

Wasiirka caafimaadku waxa uu si weyn ugu mahad celiyay xubno ka mid ah jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka jarmalka oo uu ku sifeeyay wadiniyiin u heelan sidii ay gacan u siin lahaayeen dalkooda.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com