Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Madaxweyne Ku Xigeenkiisa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo adeerkii Marxuum- Aadan Ismaaciil Shirre ku geeriyooday dalka Jabuuti 27-kii bishan May.

Madaxweynuhu wuxuu dhambaalkiisa tacsida ah ku yidhi “Madaxweynaha JSL. Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu tacsi u dirayaa Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu ka tacsi-yadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid Adeerkii MARXUUM AADAN ISMAACIIL SHIRE oo ku geeriyooday 27/05/2011 Wadanka Jabuuti.Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi-dan mid la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu Ka Baxay MARXUUM AADAN ISMAACIIL SHIRE.

Madaxwaynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabdii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo iiman ka siiyo.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com