“Ingiriisku Waxay Balan Qaadeen In Ay Kordhin Doonto Taageeraddii Ay Somaliland Ku Caawin Jirtay”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Xasan Xaaji Cali, ayaa sheegay in Beesha Caalamku taageeradii dhinaca dhaqaalaha ee ay u fidin jirtay Somaliland ay kor u qaaday iyaga oo gaadhsiiyey dhawaanahan 100 milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah.

Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Xasan Xaaji Cali, waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in Dawladda Ingiriisku ay u balan qaaday Jamhuuriyadda Somaliland in ay kordhin doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso Somaliland oo looga dhabeeyo hamiga ay Somaliland ku doonayso in ay dalkeeda ku horumariso.

“Beesha Caalamku waxa ay dhawaan na siisay Anaga (Somaliland) 100 Million oo Dollar,” Ayuu yidhi Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada oo u waramayey Wargeyska Fortune ee dalka Itoobiya ka soo baxa, waxaanu intaasi raaciyey “Dawladda Ingiriisku waxa ay noo balan qaadeen in ay kordhin doonto taageeraddii maaliyadeed ee ay Somaliland ku caawin jirtay si loo abuuro xaqiijin ah in la aamino Wasaaradda Maaliyada ee ku hawlan Horumarintayada.”

Wasiirka Arrimaha dibeda ayaa waxa uu dhinaciisa sheegay in Aqoonsi la’aanta macnaheedu yahay in aanay jirin Hay’ado sida Baanan Caalami ah iyo Shirkado Caymis leh, waxaanu yidhi “Aqoonsi la’aan macnaheedu waa meel ay ka maqan yihiin Hay’adihii Caalamiga ahaa sida Banankii iyo Shirkadihii Caymiska ee keeni lahaa Awood aanu ku horumarno”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyey oo uu yidhi “ Waxa aanu isha ku haynaa sidii aanu Xidhiidh laba dhinaca ula yeelan lahayn Midowga Yurub, Maraykanka, iyo weliba Urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com