Archive for May, 2011

Roob Lagu Diirsaday Oo Maansheeyay Deegaano Ka Tirsan Sanaag

Tuesday, May 31st, 2011 Comments Off

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Waxa maalmihii u danbeeyey guud ahaanba degmooyinka iyo tuulayowga gobolka Sanaag ka da’ay roobabkii raxmaadka gu’ga oo dadka iyo duunyo ay si weyn ugu diirsadeen. Gobolka Sanaag ayaa kamid ahaa gobolada inta badan ay sida weyn u aafaysay abaartii dalka ka dhacday. wararka naga soo gaadhaya degmooyinka Garadag, Ceel-afweyn, Dararweyne iyo Fiqifuliye, ayaa [...]

Gaaskii Diyaaradaha Oo Berbera La Keenay Markii Uu Maalmo Ka Go’naa

Tuesday, May 31st, 2011 Comments Off

Berbera (Somaliland.Org) – Gaaska Diyaaraddaha oo maalmihii ugu danbeeyay ka go’naa dalka ayaa maanta gaadhay Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera. Gaaskan oo sidda warku sheegay si weyn loo suguyay ka dib markii uu kalla go’ ku yimi markii xukuumadda Somaliland ay tirtirtay Heshiiskii lagula jiray Shirkadda Total. Ayaa waxaa geeyay Berbera ganacsade Cawil Cawl Cabdillaahi [...]

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaalkii ka Dhacay Deegaanka Gambadha

Tuesday, May 31st, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka hadlay dagaal saacado badan socday oo shalay galab illaa 7:00 cawaysnimo ee xalay ayaa ka dhacay deegaanka Gambadha ee gobolka Sool. Taliyaha oo maanta u waramayay Saxaafaddu waxa uu sheegay inay maleeshiyadii huwanta ahayd ee weerarka soo qaaday ay ka qabteen lix maxbuus. [...]

Wasiirka Waxbarashada Oo Ka hadashay Imtixaankii Baxay Iyo Rabshado Ka Dhashay

Tuesday, May 31st, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta ka hadashay imtixaanka si khalad ah dibada ugu baxay oo ah imtixaankii fasalada labaad ee dugsiyada sare. Wasiirku oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda waxay si qoto dheer uga hadashay imtixaanka baxay iyo asbaabaha dhaliyay iyadoo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxa jira [...]

Afhayeenka Madaxtooyada oo Ka waramay Socdaalkiisii Ingiriiska

Tuesday, May 31st, 2011 Comments Off

Hargeysa(Somaliland.Org):-Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md.Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inaanay hoos uga soo dhicin waddaniyadii,xamaasadii iyo qiiradii ay muujiyeen dabaal-degii xuska 20-guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18May oo sanadkan 2011 si aan hore loo xusin looga xusay guddo iyo dibadba,taas [...]

Hay’adda Shaqaalaha Oo Dalka Ka Bilaabaysa Tiro-koob Madax-taabasho Ah

Monday, May 30th, 2011 Comments Off

Hargaysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Muxumad Aw Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in ay dhawaan dalka ka bilaabayaan tiro-koob madax taabasho ah oo lagu samayn doono shaqaalaha dawladda. Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda oo u waramayay saxaafada waxa uu sheegay in Hay’adda shaqaalaha ay ka diwaan gashanyihiin hadda shaqaale gaadhaya ilaa toban kun oo qof, [...]

Xukuumadda Somaliland Oo Kooxda SSC Ku Eedeysay Inay Carruur Yar yar u qortaan Askarinimo

Monday, May 30th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumada Somaliland ayaa ku eedeyasay kooxda nabad diidka ah ee SSC ee qalaasaha ka wada deegaamada Sool iyo Buuhoodle inay carruurta yar yar u qortaan askarinimo oo ay geliyaan oo ay adeegsadaan falalka amni darro. Taas oo xad gudub ku ah shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaasi waxa lagu sheegay war murtiyeed uu [...]

Maayarka Gabilay Oo Jawaab Ka Bixisay Dhaliilo Loo Jeediyay Xukuumada KULMIYE Ka Dhalatay

Monday, May 30th, 2011 Comments Off

“Waxaan leeyahay inteenii u codaysay dawlada aan laba xisaabtannee bal kuwa aan u codayn ee u baanaya aan la hadalno” “Waxaan leeyahay codkii reer Gabilay ma aha tacab ba’aye ee waa tacab baxay” Gabilay (Somaliland.Org)- Ku Simaha Maayarka Gabilay ahna Maayar Ku xigeenka Magaaladaas Marwo Khadra Xaaji Gaydh, ayaa jawaab kulul ka bixisay dhaliilo Xildhibaan [...]

Jawigii Badhasaabka Cusub ee Gabilay Uu Xilkii Kula Wareegay

Monday, May 30th, 2011 Comments Off

“Waxaan leeyahay Anagu aanu noqono Mujaahidiintii u dhimatay in wax la qabto imikana Waxaan Ku Celinayaa wax ha la qabto” Badhasaabkii hore “Anigu haddii aan wax qaban waayo waxba is xag xagan maynee waan iska tagi doonaa”Badhasaabka cusub Hargeysa (Somaliland.Org)- Badhasaabka cusub ee gobolka Gabilay Cali Aw- Aadan Meecaad, ayaa maanta si rasmi ah xilkii [...]

Shirkadda Dahabshiil oo Baardheere Sahay ugu qaybisay Barokacayaal

Sunday, May 29th, 2011 Comments Off


Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga UCID

Sunday, May 29th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in la buun buuniyay wax uu ku tilmaamay khilaaf hadheeyay masuuliyiinta xisbiga UCID. Guddoomiyuhu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaafka ba’n ee la sheegay inuu ka dhex aloosan yahay Hoggaanka xisbigaasi kaasi oo ka dhashay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbigaasi [...]

Hargeysa :Xaflad Lagu Xusayay Labaatan Guurada ka soo wareegtay markii La Riday Mingiste

Sunday, May 29th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xaflad lagu maamuusayay sanad guuradii labaatanaad ee ka soo wareegtay xiligii awooda laga tuuray sanadkii 1991-kii Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mingistu Hayla Mayran, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada wadanka Itoobiya ee ku dhaqan Somaliland iyo safaarada Itoobiya ku leedahay Magaalada Hargeysa [...]

Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Booqasho Ku Tagay Laascaanood

Sunday, May 29th, 2011 Comments Off

Laascaanood (Somaliland.Org)-Madaxa Ha’yada qaramada midoobay u qaabilsan nabadgelyada ee fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa iyo wefti uu Hoggaaminayay ayaa maanta booqday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaasi oo ay ugu kuurgalayeen in xaalada nabadgelyo ee gobolkaasi ay suurto gal ka dhigayso in Ha’yadaha qaramada midoobay ay ka shaqeyn karaan gobolkaasi iyo inkale. Badhasaabka Gobolka Sool [...]

“Go’aanka Guddoomiyaha Golaha Dhexe Waa Mid Isaga Uun Ku Kooban oo aan sharci ahayn”

Sunday, May 29th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org) Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cigge ayaa daadifeeyay sharciyadda guddi Gudoomiyaha golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE iclaamiyay Sabtidii. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge, ayaa sabtidii magacaabay guddi ka kooban 10 xubnood oo soo agaasinta shirka Golaha dhexe ee xisbigaasi oo hore loogu [...]

Hargeysa: Madaxtooyada oo Raashin u qeybisay 100 qoys oo danyar ah

Sunday, May 29th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xafiiska Samofalka u qaabilsan Madaxtooyada Somaliland ayaa raashin gaadhsiiyay boqol qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan xaafada Maxamed Mooge ee degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa. Maareeyaha xafiiska samofalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo boqolkaa qoys ee danyarta ah u qaybisay raashin iskugu jira Timir iyo Daqiiq, ayaa [...]

Wasiirka Xoolaha oo sii Sagootiyey Shan Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Urur Goboleedka IGAD

Saturday, May 28th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dufcadii ugu horreysay oo ka kooban shan arday oo deeq waxbarasho oo dibadeed oo caafimaadka xoolaha ah ka helay urur gobolleedka IGAD, ayaa ka dhoofay maanta garoonka magaalada Hargeysa. Shantan ardey oo ka qallin-jebiyey kulliyada caafimaadka xoolaha ee Sheekh, ayaa u duulay dalka Ugandha, waxa halkaas ku sii sagootiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, [...]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Madaxweyne Ku Xigeenkiisa

Saturday, May 28th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo adeerkii Marxuum- Aadan Ismaaciil Shirre ku geeriyooday dalka Jabuuti 27-kii bishan May. Madaxweynuhu wuxuu dhambaalkiisa tacsida ah ku yidhi “Madaxweynaha JSL. Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu tacsi u dirayaa [...]

Xisbiga KULMIYE Oo Magacaabay Guddida qaban qaabadda Shirka Golaha Dhexe

Saturday, May 28th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 10 xubnood oo soo agaasinta shirka Golaha dhexe ee xisbigaasi oo hore loogu mudeeyay inuu Magaalada Hargeysa ka qabsoomo 6-da Bisha June ee fooda inagu soo haysa. Gudidan uu magacaabay Gudoomiyaha Golaha Dhexe [...]

“Ingiriisku Waxay Balan Qaadeen In Ay Kordhin Doonto Taageeraddii Ay Somaliland Ku Caawin Jirtay”

Saturday, May 28th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Xasan Xaaji Cali, ayaa sheegay in Beesha Caalamku taageeradii dhinaca dhaqaalaha ee ay u fidin jirtay Somaliland ay kor u qaaday iyaga oo gaadhsiiyey dhawaanahan 100 milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah. Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Xasan Xaaji Cali, waxa kale oo uu ka [...]

Wasiirka Caafimaadka oo Ka Hadlay Shirkii 64-aad ee Caafimaadka Adduunka

Saturday, May 28th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa maanta dalka ka soo laabtay ka dib markii magaalada Geneva ee dalka Swizerland kaga qeyb galay shirkii 64-aad ee wasiirrada caafimaadka adduunka. Wasiirka caadimaadka oo ka hadlayay shirkaasi waxa uu yidhi “Waxaan safar shaqo ku tagay Geneva oo ah shir sanadle ah [...]

Weftigii Wasiirka Arrimaha Dibada Oo dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Saturday, May 28th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumaree Arbacadii Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulanka kula yeeshay Guddi ka tirsan Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada ee qaramada midoobay ayaa maanta dalka ku soo laabtay. Kana waramay socdaalkoodii. Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirrada Gaashaan-dhiga, Macdanta iyo Biyaha, Shaqada iyo [...]

La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha Oo Socdaal ku Yimid Qatar

Friday, May 27th, 2011 Comments Off

Qatar (Somaliland.Org)-La taliyaha Madaxwaynaha ee Dhaqaalaha , Gacansiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Xasan Carwo ayaa socdaal shaqo oo qaatay 5 Maalmood ku yimid Magaalada Doha ee dalka Qatar isagoo ka soo kicitimay dalka Imarat- ka Carabta oo uu kulamo kala duwan la soo yeeshay Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan ka galana qayb galay debaaldegii [...]

“Dadka qaska wadaa caruurtoodii dhul shisheeye ayay joogaan oo iskuulo ayay ku jiraan”

Friday, May 27th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa in la gaadhay xiligii haweenka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay kaalin weyn ka qaadan lahaayeen sidii loola tacaali lahaa dadka dilalka iyo qaska ka wada magaalada laascaanood. Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay shir balaadhan oo uu magaalada laascaanood kula yeeshay [...]

Badhasaabka Saaxil oo Ka Hadlay Maamuleyaashii Total oo La sii daayay

Friday, May 27th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maamulihii shirkada shiidaalka kootada ku haysatay ee TOTAL Sacad Cilmi iyo xisaabiyihiisii C/Kariin Xuseen ayaa maanta laga sii daayay xabsiga Berbera ka dib markii ay ku xidhnaayeen muddo laba maalmood ah ka dib markii ay ka war-wareegeen fulinta amarkii Madaxweynaha Somaliland ku buriyay heshiiskii shirkadaasi ay xukuumaddu kula jirtay. Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud [...]

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Dayr Uga Tahay Itoobiya Iyo Jabuuti Argagixisada

Friday, May 27th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in jiritaanka qaranimadeedu ay ahmiyad weyn ugu fadhiyo gobolka oo ay dalalka Itoobiya iyo Jabuutiba dayr uga tahay argagixisada iyo budhcad badeedka. Dawladdu waxay sheegtay inaanay ka qeyb gali doonin shirarka lagu heshiisiinayo Soomaaliya ama dawlad loogu dhisayo. “Soomaaliyi ha joogto ama ha ka maqnaato mar kasta oo qaramada midoobay [...]