Cismaan Geelle Arab oo Ku Geeriyooday Jabuuti

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka baxay Marxuum0- Cismaan Geelle Faarax oo ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee dalka oo maanta geeriyooday dalka Jabuuti. Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu dhambaalkiisa tacsida ah ku yidhi […]

W.Kaluumaysiga Oo Maamulka Saaxil Ku Eedeysay Inay Awood Kula Wareegeen Kuliyada Badda Berbera

Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa sheegay inay ka xun yihiin tallaabo uu maamulka Gobolka Saaxil kula wareegay maamulka Kulliyada culuumta Badda ee magaalada Berbera. Waxa kale oo Wasaarada Kalluumaysigu ay ku eedeeyeen Maamulka Gobolka inay awood ciidan u adeegsadeen habkii ay guddidii hore ee gacanta ku haysay maamulka Kulliyadaasi uga wareejiyeen maamulkii. Sidaasi […]

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Sheekha Maamula Imaaradda Raasul Khayma

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Sheekha Maamula Imaaradda Raasul Khayma Hargeysa (Somaliland.Org)- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa kulan la yeeshay Sheekha xukuma Imaaradda Raasul khayma ee dalka Imaaraadka carabta Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi. Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa imaarada Raasul khayma loogu soo dhaweeyay […]

Wasiirka Warfaafinta Oo Masuuliyiinta Wasaarada Ku soo Rogay Amaro Lagu Furdaaminayo Dhibaatooyin Jiray

Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa Sabtidii shalay soo saaray go’aan uu saraakiisha waaxyaha kala duwan ee wasaaradaasi kaga mamnuucay inay tagaan xafiiskiisa Iyo xafiisyadda kale ee dawladda iyaga oo aan u socon wax shaqada wasaaradda la xidhiidha. Md. Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu joojiyay shir subaxeedkii uu […]

Wasaarada Isgaadhsiinta Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Naqdigii TELESOM ee Xeerka Isgaadhsiinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Masuuliyiita wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa maanta jawaab adag ka bixiyay hadalkii khamiistii ka soo yeedhay masuuliyiinta Shirkada Isgaadhsiinta ee TELESOM, oo si weyn u naqdiyay xeerka Isgaadhsiinta ee dhawaan Golaha Wakiiladdu meel mariyay oo ay ku tilmaameenn mid ay ku jiraan qodobo badan oo ka hor imanaya Dastuurka iyo shareecadda Islaamkaba. […]

Xisbiga UCID Oo Magacaabay Madaxda Laamaha Yurub ee Garabka Haweenka

Hargeysa(Somaliland.Org)-Ku Simaha Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mirre (Waqaf), ayaa magacaabay Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Qaarada Yurub iyo Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee UK. Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray oo dhignaa sidan:- “Markan la tashaday Gudoomiyeyaasha Yurub iyo UK-ba islamarkaana ay noqotay laga maarmaan in la buuxiyo labada jago ee […]

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Qoyskii Ganacsade Siciid Cabdilaahi Naalatuur

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray Marxuum-Siciid Cabdilaahi Axmed (Naalatuur) oo ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka oo ku geeriyooday dalkaasi. Madaxweyne Ku Xigeenku waxa uu ILAAHAY uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo qosykii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo […]

Somaliland Oo Puntland Ku Eedeysay Inay Dad Rayid Ah Ku Laysay Degmada Dhahar

Hargeysa (Somaliland.Org)-Ergayga madaxweynaha Somaliland u qaabilsan bariga gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay inay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ku dileen sadex qof oo rayid ah oo xoolo ka waraabinayay degmadaasi kuwaasi oo ka soo jeeda degmada. Ergayga Madaxweynaha ee barriga Sanaag wuxuu sidaasi ku sheegay shir saxaafadeed uu maanta […]

Wasiirka Daakhiliga Oo Caawa Kulan la Yeeshay Waxgaradka Burco

Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo kormeer ku marayay gobolada bariga dalka, ayaa caawa soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ka dib markii uu galabta ka soo kicitimay Magaalada Laascaanood gobolka Sool. Wasiirka Daakhiligu waxa uu caawa casho-sharaf ugu sameeyay waxgaradka Tog-dheer Huteelka Barwaaqo ee magaalada Burco, waxaanu uga […]

Sanaag:Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Koox Budhcad badeed Ah

Hargeysa(Somaliland.Org)-Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Axmed Aw Cismaan Cabdi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen koox labaad oo budhacd badeed ah oo ay ciidanka ilaalada xeebuhu ku qabteen inta u dhaxaysa xeebta Xiis iyo Maydh. Taliyaha ciidanka Ilaalada xeebuhu waxa uu sheegay inay qabteen afar nin oo budhcad badeeed ah iyo Laash ay wateen kuwaasi […]

Maxaa Ka Soo Baxay Kulamaddii Wajiyada Badnaa Ee Wasiirka Daakhiligu Ku Yeeshay Ceerigaabo

Maxaa Ka Soo Baxay Kulamaddii Wajiyada Badnaa Ee Wasiirka Daakhiligu Ku Yeeshay Ceerigaabo FAALADDA JIMCAHA Faallo (Somaliland.Org) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo socdaal ku maraya gobolada bariga dalka, ayaa ku guulaystay olale uu beeshiisa kaga dhaadhicinayay inay taageeraan sidii loo furi lahaa ururada siyaasadda. Waxaanu gogol xaadh u sameeyay urur siyaasadeedkiisii […]

Xildhibaano Ka Dalbaday Findland Inay Somaliland Ka Caawiyaan Afar Qodob

Finland (Somaliland.Org)-Wefdigii xubnaha baarlamaanka Somaliland ee aqoon korodhsiga doorashooyinka u joogay Finland ayaa xurunta cusub ee baarlamaanka Finland kula kulmay ergayga gaarka ah ee wasaarada arrimaha dibada dalkaasi u qaabilsan geeska Afrika ahna Xildhibaan Golaha Wakiilada ah 21.4.2011. Ergygan oo la yidhaahdo Pekka Haavisto horena socdaal ugu tagay Somaliland xiliyo kala duwan ayaa soo dhaweeyay […]

Xaflad Lagu Xusayay Mujaahid Haybe Laambad Iyo Aragtidii Madaxdii Ururkii SNM

Hargeysa(Somaliland.Org)- Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay geeridii Alle ha u naxariistee Mujaahid- Haybe Axmed Guurre (Haybe-laambad) oo ka mid ahaa saraakiishii Milatarigii SNM, oo 21 bishii April ee 2010 ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Xafladaasi waxa ka soo qeyb galay […]

Shirkada TELESOM Oo Si Adag U Naqdiday Xeerka Isgaadhsiinta ee Golaha Wakiiladdu Ansixiyay

Hargeysa (Somaliland.Org)-Masuuliyiinta shirkada Isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa waxay ku naqdiyeen xeerkii isgaadhsiinta ee dhawaan Golaha Wakiiladdu ansixiyeen waxaanay sheegee in xeerkaasi ay ku jiraan qodobo ka hor imanaya shareecada islaamka, dastuurka Somaliland iyo nidaamka ganacsiga xorta ahba. Waxa kale oo ay shirkan jaraa’id ku sheegeen […]

ShirkadaTelesom Oo Ka Hadashay Waxyaabaha Ay Uga Noqotay Maalgelinta Warshada Sibidhka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Maamuleyaasha sar sare ee Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM, ayaa maanta markii u horraysay ka hadlay asbaabaha dhaliyay inay dib uga noqdaan qandaraaskii la wada siiyay shirkada Dahabshiil ee dhismaha warshadii Sibidhka ee Saaxil. Masuuliyiinta shirkada Telesom waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xaruntooda waxaanay kaga hadleen xeerka Isgaadhsiinta ee dhawaan […]

Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Dareenka Ka Dhashay Socdaalka Gaboose Ee Bariga Dalka

Dubai (Somaliland.Org)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay dareenka ka dhashay socdaalka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ku marayo gobolada bariga Somaliland, kaasi oo ay ka dhasheen dareeno sheegaya in wasiirku u gogol xaadhayo sidii uu dib ugu furi lahaa urur siyaasadeedkii Qaran ee uu ka tanaasulay markii […]

Fadeexaddo Hadheeyay Wasaarada Ciyaaraha Iyo Somaliland oo ka Baaqatay Tartanka Bariga Afrika

Hargeysa (Somaliland.Org)-Somaliland ayaa ka baaqatay tartanka kubbadda kollayga ee caasimadaha bariga iyo badhtamaha Afrika oo Salaasadii si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, tartankaasi oo lagu soo marti qaaday koox ku ciyaaraysay magaca caasimada Hargeysa. Qurbo-jooga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Kenya ayaa ku hungoobay garoonkii ay ciyaaraha tartanka kubadda Kollayga ee […]

Ha’yada La Dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Dhex Galay Khilaaf Ka Oogan Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Hay’adda la dagaalanka musuq maasuqa iyo maamul wanaaga Axmed Muxumed Madar, ayaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa ugu baaqay inay hakiyaan kalfadhigooda 62-aad ee hadda u socda si ay u xaliyeen khilaaf uu sheegay inuu ka dhex oogan yahay Mudaneyaasha Golaha deegaanka dhexdooda. Guddoomiyaha Ha’yada la dagaalanka musuqmaasuqu wuxuu sidaasi ka sheegay fadhigii maanta […]

Wasiirka Cadaaladda Oo Tababar u Furay Kaaliyeyaasha Maxkamadaha

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda Cadaalada iyo garsoorka Prof. Ismaaciil Muumin Aar ayaa maanta u furay tababar ku saabsan gal-dacwadeedyada 390 xunbood oo ka tirsan shaqaalaha kaaliyeyaasha Makamadaha dalka. Waxa ka hadlay furitaankii tababarkaasi agaasimaha waaxda garsoorka ee wasaaradda cadaaladda Ismaaciil Cali waxa uu ka xog waramay ahmiyadda uu tababarkan u leeyahay, kaa soo ka qeyb-galayaasha […]

Wasiirka Daakhiliga Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradaasi ayaa maanta duhurkii si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa Tuuladda Yufle oo 30km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Ceerigaabo kaga hortagay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, Duqa Ceerigaabo […]

Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sool Oo Ka Badbaaday Qarax Ka Dhacay Laascaanod

Laascaanood (Somaliland.Org)- Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sool Maxamed Aadan Cartan, ayaa maanta ka badbaaday qarax qorshaysan oo lala beegsaday mar uu maanta ka yimid xarunta maamulka Gobolka Sool kuna sii jeeday Gurigiisa magaalada Laascaanood, sidaasi waxa shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye. Badhasaabka oo ka hadlay qaabkii uu qaraxaasi […]

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulamay Wasiirka Madaxtooyada ee Imaaraadka Carabta

Hargeysa (Somaliland.Org)-Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ee socdaalka ku jooga imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Madaxtooyada ee dalkaasi iyo saraakiil kale. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed caawa laga soo saaray xarunta madaxtooyada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga […]