Taliyihii Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Sool Oo Galabta Lagu Toogtay Laascaanood

Laascaanood (Somaliland.Org)- Taliyihii ciidanka Nabadgelyada wadooyinka ee gobolka Sool oo Aadan la yidhaahdo, ayaa galabta ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen dablay hubaysani, xili uu sii galayay gurigiisa magaalada Laascaanood.

Sarkaalkan oo ay ku dhaceen laba xabadood waxa uu ka jabay Bowdada sida uu shabakada wararka ee Somaliland.Org u sheegay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye.

“Taliyihii ciidanka Nabadgelyada wadooyinka ee gobolka Sool waxa uu ku dhaawacmay markii dablay hubaysani ay rasaaseeyeen isagoo sii galayay gurigiisa magaalada Laascaanood, waxaanu ku dhacay laba xabadood, waxaanu ka jabay bowdada,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool.

Cabdilaahi Jaamac Diiriye waxa uu sheegay in falkan ay ciidamada boolisku u soo qabteen isla markiiba lix nin iyo gaadhi ay wateen oo ay isku dayeen inay magaalada ka baxaan oo lagu guulaystay in la qabto isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Falkan waxa loo hayaa lix qof iyo baabuur ay doonayeen inay ku baxsadaan oo ay magaalada.”

Jimcihii shalay ayaa fal noocan oo kale ah lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliska gobolka Sool oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Muuse Cawad, oo rasaas lagu furay salaadii makhrib markii uu ka soo baxay masaajid ku yaala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo xiliyadan dambe ay sii xumaatay xaalada nabadgelyo ee ka jirtaa isla markaana bartilmaameed u noqotay dilal qorshaysan oo lagu khaarajiyo madaxda gobolka iyo laamaha dawlada.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com