Sarkaal Boolis Ah Oo Caawa Lagu Toogtay Magaalada Laascaanood

Laascaanood (Somaliland.Org)- Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ee gobolka Sool oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Muuse Cawad,ayaa caawa fiidkii lagu dhaawacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka dib markii dablay hubaysani ay rasaas ku fureen markii uu ka soo baxay masaajid ku yaala koonfurta magaaladaasi oo uu ku tukaday salaadii Makhrib.

Sarkaalkan ayaa dhaawaciisu culus yahay waxaana xabaddo kaga dhaceen Dhabarka, sida uu shabakada wararka ee Somaliland.Org uu u xaqiijiyay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye.

“Sarkaalkan oo dhaawaciisu culus yahay waxa xabaddo ay kaga yaalaan dhabarka waxaana caawa loo soo qaaday magaalada Burco ee gobolka Tog-dheer, waxaana toogtay dablay hubaysan oo rasaas ku furay xiligii uu ka soo baxay masaajid ku yaala koonfurta magaalada Laascaanood oo uu ku tukaday salaadii Makhrib,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool.
Cabdilaahi Jaamac Diiriye waxa kale oo uu sheegay in falkan uu ku dhaawacmay nin shacab ah oo ka mid ah dadkii goobta marayay.

Badhasaabka waxa uu sheegay inaan wali cid loo qaban dilka sarkaalkan Booliska ah, waxase uu tilmaamay in ciidanku ay ku hawlan yihiin cidii geysatay dilkaasi.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com