Hargeysa: Hal Qof Oo Ku Dhintay Qumac Qori Oo Ku Qarxay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Alle ha u naxariistee waxa maanta ku dhintay magaalada Hargeysa Marxuum-Xasan Cabdi Cigaal ka dib markii uu qumac qori oo yaalay gurigiisa agtiisa ku qaraxay maanta duhurkii.
Marxuumkan oo kon jir ahaa waxa ku qaraxday qumucaasi ka dib markii uu dab ku shiday Tiin ka baxay gurigiisa agtiisa oo qumacaas ku qarxayna ku hoos jiray.

“Marxuumku waxa la keenay 4:30 galbnimo isagoo xaaladiisu culus tahay aad ayuu u gubtay oo qaacii ayaa jidhkiisa gubay. Waxa cisbitaalka la keenay isagoo soo dhiig baxay oo aad u culus ka dibna waxa uu ku dhintay cisbitaalka guud ee Hargeysa saacad ka dib. Markii la keenay,”ayuu yidhi sarkaalkii shalay heeganka cisbitaalka guud ku jiray oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org.
Hadhaaga walxaha qarxa ayaa sanad kasta geysta khasaare badan waxaana ku dhinta carruur badan oo iyagoo meelahaasi ku ciyaaraya miinooyin iyo hadhaaga walxaha qarxaa ay ku qarxaan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com